DHULKU dhibic ma dhamo (Mucjisada Koonka iyo xaqiiqooyin aadan ogeyn)

Saddexdan xiddig waa hal bah oo ka wada tirsan Galaxy-ga Milk way.

1. Waa Cadceedda iyo bahda ay mideysay ee Meereyaasha. Waxaad arki karaysaa dhulka intuu la eg yahay marka Cadceedda loo eega. Cadceeddu waa xiddiga inoogu dhaw xiddiga, waxayna inoo jirtaa masaafo dhan 8 seken oo xawaaraha iftiinka ah. Taasoo lamid ah 150 000 000 km.

SADEX XIDDIG2. Sawirka labaad waa xiddiga Antares iyo Cadceedda oo la isbarbar dhigatay. Waxaad arki kartaa Cadceedda intay la ekaanayso marka Antares la bar bar dhigo. Sida Cadceedda ay bah meerayaal ah u mideyso ama ay uga tirsan tahay buu Antares uga mid yahay bah xiddigo ah oo illaa 35 gaaraya oo kamid ah Galaxyga Milk way. Bahda ay ku midoobaan xiddigahaas iyo Antares ayaa loo yaqaan Scorpio (Diilinta Dibqallooca). Waa goob samada marka laga dheehdo aad u qurux badan oo iftiin badan maadaama xiddiga waaweyn oo iftiinkoodu sarreeyo ay ku mideysan yahiin. Xiddiga Antares wuxuu dhulkeena u jiraa masaafo dhan 600 oo sano meel loo socanaya, marka la adeegsado xawaaraha iftiinka. Sidaas oo uu nooga fogyahay xiddigaas, haddana habeenkii si waadix ayaa looga arki karaa iftiunkiisa Dhulka.

3. Sawerka saddexaad waa xiddiga Pistol start oo la barbar dhigay Antares. Xiddiga Pistoö wuxuu ka iftiin badan yahay Cadceedda shan jibbaar, dhulkeenana wuxuu u jiraa 25 000 oo sano meel loo soconaya marka la adeegsado xawaaraha iftiinka. Wuxuu isaguna ka tirsan yahay Galaxyga Milk way. Inkastoo oo uu sidaa inooga fog yahay haddana waxaa dhulka looga arki karaa iftiinkiisa si weyn.
Galaxyga ay xiddigahani ka tirsan yahiin was Galaxyga Milk way, oo ku fadhiya masaafo dhan meel loo kala goosha 100 000 oo sano labadeeda cidhif waa marka la adeegsado xawaaraha iftiinka. Wuxuu Galaxygani ka kooban yahay 200 000 xiddig iyo malaayiin Meereyaal ah. Galaxyga ugu soo dhaw isaga oo ah Galaxyga Andermedia ayaa ka weyn oo ka kooban 250 000 oo xiddig iyo malaayiin Meereyaal ah. Wuxuuna ku fadhiyaa 200 000 sano meel loo socda marka la adeegsado xawaaraha iftiinka. Koonka sidaas ah baa kasii kooban Balaayiin Galaxys ah.

WD: Mohamed Tahir Abdi
Email: mohamed1@live.fi

______________________________________

Afeef: Qormadani waxay u gaar tahay webka caasimada.net iyo qoraha. Lama daabacan karo idan la’aan.