Bariiska caaga oo la keenay Soomaaliya iyo digniin ka soo baxday DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda beeraha dowladda federaalka Somalia ayaa digniin kasoo saartay raashinka aan la koontoroolin tayadiisa ee sida sharci darada kusoo gala dalka.

Wasiirka beeraha dowladda federaalka Saciid Xuseen Ciid ayaa sheegay in ay ka war caban bariiska iyo doolshada ka sameysan koolada in lasoo dhigay baraha bulshada, ayna haboon tahay in laga feejignaado.

Wasiir Saciid Xuseen Ciid ayaa sheegay in haddii uusan dalka ka jirin sharci la soconaya koontoroolka iyo waxyaabaha dalka soo gelaaid iyo wixii ka baxaayaba, wixii la doono dalka lasoo gelin karo, losgaan bixi karo taasi in la helo sharci xadidaayo arrimahaasi.

Wasiirka ayaa hadalkaan ka jeediyay shir ay isugu yimaadeen wasiirada maamul goboleedyada ee beeraha oo looga hadlayay tayada wax soo saarka beeraha iyo la socoshada tayada wixii dalka soo gelaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com