Diyaarad laga mamnuucay inay kasoo dagto garoonka Adan Adde International

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka Saakay laga helayo garoonka Diyaaradaha Adan Adde International ayaa sheegayo in maamulka ay halkaas ka mamnuuceyn inay kasoo dagto diyaarad Muqdisho ka shaqeysan jirtay.

Diyaaradaan oo lagu magacaabo Sam Express ayaa loo diiday inay kasoo dagto garoonka DIyaaradaha Aadan Cadde Kadib markii lagu helay sida la sheegay dambi.

Sida xogta sheegeyso diyaaradaan ayaa lagu eedeeyey inay rakaabka sii mariso garoonka Wajeer oo mar hore ay Soomaaliya iyo Kenya ku heshiiyeen inaan shacabka Soomaaliyeed la marin oo si toos ah looga dajiyo Magaalada Nairobi.

Diyaaradaan ayaa ka shaqeyn jirtay garoomada Muqdisho iyo Kenya, waxaana hadda lagu hayaa baaritaan rasmi ah oo ku aadan sababta keentay inay shacabka sii mariso garoonka Wajeer.

Dowladaha Kenya iyo Soomaaliya ayaa isku afgartay in la joojiyo diyaaradaha Muqdisho ka baxo ee lasii marin jiray Wajeer, isla markaasna si toos ah looga dajiyo Magaalada Nairobi.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla socodsiin doona Inshaa Allah.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com