Diyaarad sida Hub iyo Saanad Ciidan oo lagu qabtay Garoonka Muqdisho iyo Faahfaahin ku saabsan

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo in garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde lagu qabtay diyaarad siday  Saanad Ciidan oo isugu jira Hub, Gawaarida aysan Xabad karin iyo waxyaabo kale.

Diyaaradaan ayaa la sheegay in laga leeyahay Dalka Talyaaniga isla markaasna waxaa nooceeda lagu sheegay inay aheyd midda Xamuulka qaado, waxaana la xaqiijiyey inaan lagu wargelin maamulka Garoonka Aadan Cadde.

Wararka hordhaca ah ee halkaas laga helayo ayaa muujinayo in Diyaarada ay saarnaayeen aba Gaari oo ah kuwa aanay rasaastu karin, Qoryo kala duwan oo Boobayaasha culus iyo kuwa fudud isugu jira, Bistoolado, rasaas iyo jaakadaha laga xirto rasaasta, waxayna Maamulka Garoonka Sheegeen inaan lagu wargelin Diyaaradaan.

Maamulka Garoonka Aadan Cadde ayaa amar ku bixiyey in la baaro Diyaaradan si loo ogaado waxa ay wado, waxaana si lama filaan ah loogu arkay Saanad Militari.

Sidoo kale waxaa lasoo sheegayaa inay garoonka gaareen Saraakiil ka tirsan Safaaradda talyaaniga oo ay Ciidamada ka joogaan Muqdisho, kuwaas oo sheegtay inay diyaaradaan iyaga u socoto.

Waxaa hadda garoonka Muqdisho wadahadal ku leh Saraakiisha ka tirsan Dowladda Talyaaniga iyo Maamulka Garoonka, waxaana socoto waan waan ah in la fasaxo Diyaradaan.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Alla.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com