Diyaaradda Turkish Airline oo maalintii 3-aad Muqdisho kasoo dagi la’ (Sabab?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaaradda Turkish Airline ayaa lagu soo waramayaa inay maalintii seddexaad kasoo dagi la’dahay garoonka diyaaradaha Adan Cadde Airport ee magaalada Muqdisho.

Maalintii Khamiista ilaa maanta oo sabti ah ayay marar badan isku dayday inay kasoo degto garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, balse ma aysan suurogalin sida ilo xog ogaal ah Caasimada Online ay u sheegeen.

Diyaaradda ayaa la sheegayaa in sababo la xiriira hawada iyo dabeylo ay ugu dagi weysay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, waxaana ay dib ugu laabatay dalal kale oo ay sii aadi laheyd.

Khamiistii Diyaarada oo kusoo dagi weysay garoonka Muqdisho ayaa ku laabatay dalka Jabuuti, waxaana markii dambe ay dib ugu laabtay magaalada Istanbul maadaama rakaabka ay waday buux dhaafiyeen hoteelada magaalada Jabuuti.

Shalay oo jimco ahayd ayay rakaabkii lagu celiyay Istanbul loosoo kireeyay labo diyaaradood oo gaar ahaa, waxaana markii markale ay ku dagan waayeen garoonka rakaabka loo waday Mombasa iyo Jabuuti halkaasi oo la dajiyay.

Haddana saaka ayay labada diyaaradood ee Turkish Airline waxay kasoo duuleen Mombasa iyo Jabuuti, balse nasiib daro waxay kasoo dagi waayeen Muqdisho, waxayna dib ugu laabteen magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

Labo diyaraadood oo kala ah Jubba iyo Daalo ayaa si caadi ah kaga soo dagay garoonka, balse Diyaaradda Turkish Air ayaa la sheegay inay shirci ahaan Mamnuu ka tahay inay ku dagto goob dabeylo ay ka jiraan, waxayna ku degtaa cabir u gaar ah oo dabeysha la xiriira.

Diyaaradaha ayaa inta badan soo dul mara badda, waxaana ay sababtay in shaqaalaha Turkish Air ay ka biyo diidaan inay Muqdisho soo dul maraan kadibna ay soo dagtaan, sababo amaan iyo amar hore oo aysan u qabin darteed, waxaana rakaabka saaran ay rafaadsan yihiin muddo seddex maalin ah.