Xildhibaano tagay Beledweyne

Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaana la sheegay in Xildhibaanada ay ahaayeen  kuwa kasoo jeeda Gobolkaas.

Xildhibaanada ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Beladweyne waxaa kusoo dhaweeyay masuuliyiinta Gobalka Hiiraan ee Dowladda Soomaaliya.

Waxaa la sheegay in Xildhibaanada  ay la socdeen diyaarad shacab ah oo markii ugu horeysay maanta ka dagatay Magaalada Beladweyne tan iyo sanado kadib.

Tirada Xildhibaanada maanta gaaray magaalada Beladweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan ayaa waxa ay gaarayaan ilaa afar Xildhibaan kuwaasi oo kasoo jeeda Gobalka Hiiraan.

Amaanka Xildhibaanada ayaa waxaa la wareegay Ciidamada Amisom ee joooga magaaladaas maadama laga baqayo in la beegsado..