Document: BF oo soo faro-geliyey xiisadda carabta + Awoodii Farmaajo oo la wiiqayo + Xiisad ka dhex taagan DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Baarlamanka Soomaaliya ayaa faro-gelin lama filaan ah ku sameeyey go’aanka ay xukuumadda ay ka qaadatay xiisadda ka dhex aloolasan xulufada Sacuudiga iyo dalka Qatar, sida ku cad warqad si gaar ah ay u heshay Caasimada Online.

Warqaddan oo uu madaxweyne Farmaajo u diray guddoomiyaha guddiga arrimaha dibedda baarlamanka Soomaaliya xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble Cali, ayaa lagaga horyimid go’aanka dhexdhexaadnimo ee dowladda ay ka qaadatay arrintan, oo sida la sheegay ula muuqday mid aan wanaagsaneyn.

Waxaa warqadda lagu sheegay in go’aanka dowladda uu dhaliyey “walaac iyo walwal” ay ka qaadaan qaar ka mid ah xubnaha baarlamanka.

Xog gaar ah oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in guddoonka baarlamanka ay cadaadis kala kulmayaan dowladda Imaaraadka Carabta oo qarash badan ku bixineysa sidii Soomaaliya loo soo marin lahaa dhinaca xulufada Sacuudiga.

Imaaraadka ayaa adeegsanaya shaqsiyaad ay ka mid yihiin, Cumar Cadbirashiid, Shariif Xasan, Jawaari iyo Mahad Cawad oo dhammaantood dhaqaale xooggan helaya.

Xubnahan ayaa ayaga oo eeganaya dantooda shaqsiyeed iyo dhaqaale, waxa ay darbi ka tuurayaan masiirkii umadda Soomaaliyeed, waxayna abuurayaan shaqaaqo siyaasadeed oo lagama maarmaan ah.

Dad taxliiliya siyaasadda oo Caasimada Online la hadlay ayaa sheegay in haddii madaxweyne Farmaajo ogolaado in arrintan baarlamanka uu dood ka yeesho ay taasi dhaawac weyn gaarsiin doonto awooddiisa, islamarkaana hadda kadib go’aanada dowladda gebigood uu baarlamanka go’aan ka gaari doono.

Qorshaha xildhibaanada ay adeegsanayaan Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa ah in madaxweyne la joojiyo xaalad uu laba darran mid ku doorto. Waa tan koowaad’e in go’aan ka duwan midkii xukuumadda uu ku raaco baarlamanka, oo ay cadahay inay raaci doonaan xulufada Sacuudiga, iyo tan labaad oo ah in si shaacsan uu u diido go’aanka baarlamanka, markaasi oo ay u muuqan doonto inuu kasoo horjeedo xulufada Sacuudiga.

Xaqiiqdii xasarad siyaasadeed oo horleh ayaa kasoo socota dowladda Soomaaliyeed, waxaana tallaabada aan laga fiirsan ee xildhibaada ay arrintan kusoo faro-geliyeen ay dhalin kartaa in xiriirka madaxweynaha iyo baarlamanka uu xumaado.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com