Document: Kenya oo war kasoo saartay dacwada badda Somalia, qiil yaab lehna sameysatay

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa war cad ka soo saartay dacwada dhinac xuduudka Badda ee kala dhaxeysa Soomaaliya, oo maxkamadda caalamiga ee ah ee caddaalada ay dhageysigeeda billaabeyso berry.

Qoraal ka soo baxay dowladda Kenya ayaa lagu sheegay in dacwadda ka bilaabaneysa maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee magaalada Hague ay Kenya aamisan tahay mid aan sax aheyn.

Waxa ay Kenya ku doodday inay aaminsan tahay muran xuduudeedka Badda lagu dhammeeyo wadahadal, ayada oo tixraaceyso heshiis ay la gashay Soomaaliya.

Dowladda Kenya ayaa weli ku doodeysa in maxkamadda adduunka aanay qaadi karin kiis ay dalalka uu ka dhaxeeyo muranka isla ogol yihiin inay wadahadal ku xalistaan arrimahooda, waxayna arrintaas u cuskatay heshiiskii is afgaradka ahaa ee ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Kenya 7 April 2007, kaasoo uu Soomaaliya u saxiixay wasiirkii Qorsheynta iyo iskaashiga ee xilligaasi C/raxmaan C/shakuur Warsame oo hadda ah musharax Madaxweyne.

C/raxmaan C/shakuur ayaa markii dambe sheegay in saxiixa heshiiskaasi uu ahaa amar uu siiyay Ra’iisal wasaarihiisa Cumar C/rashiid oo isna hadda u sharxan xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Heshiiskan Kenya ay qiilka ka dhiganeyso ayaa waxaa diiday baarlamankii KMG ah ee Soomaaliya, waxaana kadib ku raacay QM.

Hoos ka aqri qoraalka dowladda Kenya

[su_document url=”http://caasimadda.net/wp-content/uploads/2016/09/PRESS-STATEMENT-BY-THE-GOVERNMENT-OF-KENYA-ON-THE-SOMALIA-V-KENYA-CASE-BEFOTE-THE-INTERNATIONAL-COURT-OF-JUSTICE.pdf” width=”700″ height=”1300″]

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com