Document: Wasiirka Shaqada DF oo ku dhex jiro fadeexado lacago lagu lunsanayo

Muqdisho (Caasimadda Online) – Fadeexadaha sida is daba jooga u hareeyay wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada ee dowladda federaalka ayaa si weyn usoo ifbaxaya iyadaoo wasiirka wasaarada Saalax Axmed Jaamac la sheegayo in uu amray gacanyarahiisa cusub ee wasaarada oo lagu magacaabo C/risaaq Max’ed Max’ud si u keeno lacago uu ku safro wasiirka iyo wafdi uu hogaaminayo.

Wasiir Saalax Axmed Jaamac ayaa doonaya in uu ka qeyb galo shirka caalamiga ah ee hay’adda shaqada adduunka ILO ee dhawaan ka dhacaya magaalada Geneva asaga oo weydiistay haayada World Bank in ay ka bixiso sahayda safarkiisa iyo wafdi la socdo.

Arrintaan ayaa ah arrin si weyn uga hor imaaneyso nidaamka caalamiga ah ee u degsan hay’adda shaqada adduunka kaasoo tilmaamaya in dowladda ay iska bixiso dhamaan qaraashkeeda iyo wafdiga dalka sida ku qeexan sharciga u degsan ILO.

Sida ku cad qoraal ay Caasmadda heshay kaasoo uu qoray gacan yaraha cusub ee wasiirka kaasoo lagu magacaabo C/risaaq Max’ed Max’ud lana ogeysiiyay Wasiir Saalax Axmed Jaamac ayaa tusinaya in Wasiirka iyo wafdiga la socdo laga bixiyo qarashka ticketyada, hoteelka ay dagayaan iyo lacag ay ku noolaadaan inta ay joogaan Geneva.

Mashruuca World Bank ee loo yaqaano Capacity Injection Project -CIP ayaa u muuqda in ay rabaan in Wasiir Saalax iyo 3 qof ee la socota ay ka dhiibaan qarashaadka ay ku tagayaan magaalada Geneva, sida ku cad qoraalo ay is weydaarsadeen gacan yaraha wasiir Saalax iyo Xasan Ciise oo u shaqeeya mashruuca CIP ee World Bank.

Sida ku cad qoraalka rasmiga ee looga codsaday World Bank in ay ka taageeraan Wasiir Saalax Axmed Jaamac safarka Geneva ayaa waxaa uu Wasiir Saalax doonayaa in uu ku safro dayuuradaha British airways, Lufthansa iyo Emirates waa marka uu tagayo magaalada Geneva. Arrintan ayaa ah mid ka baxsan nidaamka wanaagsan iyagoo dooranaya dayuurada xitaa ay ku safrayaan.

Wasiir Saalax Axmed Jaamac ayaa sidoo kale ku jiro dadaal uu kaga raadsanaayo dowladda in ay siiso lacag sahay safar ah oo la siiyo Wasiirada marka ay safar shaqo aadayaan iyadoo uu horay u waydiistay mashruuca Bank aduunka.

Dalabyada lacagaha la isku dul dalbayo ee hadana ku aadan hal shir ayaa ah arrin u muuqato in lagu lunsado dhaqaale, sida ay sheegeen shaqaala ka shaqeeya wasaarada oo ka baqaya haddii la sheego in uu Saalax Axmed Jaamac ka ceyriyo shaqada.

Maamul xumada ka jirta wasaarada ayaa sidoo kale tilmaameysa in Wasiir Saalax Axmed uu hormuud ka yahay in la jabiyo shuruucda caalamiga ah, isla markaana World Bank lagu cadaadiyo in ay lacago ku bixiyaan si maamul xumo ah.

Musuq maasuqa iyo maamul xumada ka socda wasaarada shaqada ayaa ah kuwa si toos ah uga hor imaanaya balaanqaadkii uu sameeyay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ee ahaa in dowladiisu ku shaqeyneyso maamul wanaag, ayna dagaal ba’an la galeyso musuq maasuqa iyo lunsashada hantida dowladda.