LIVE: Toos u daawo tirinta codadka doorashada guddoomiyaha BF oo socota

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa Xarunta Golaha Shacabka ka bilowday Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka cusub ee Somalia.

Xarunta ayaa waxaa si buuxda u xaadiray Xildhibaanada Baarlamaanka ee u codeyn lahaa Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Guddoomiyaha BFS.

Musharixiinta oo ah afar Musharax ayaa waxaa ugu cad cad Xildhibaan Max’ed Cismaan Jawaari iyo Xildhibaan C/rashiid Max’ed Xidig, kuwaa oo la filayo in wareega ugu dambeeya isugu soo hari doonaan midkoodna laga yaabo in uu guuleesto.

Afarta Musharax oo ay kala wataan Musharaxiin kale oo hankooda uu yahay qabashada xilka Madaxtinimada Somaliya, ayaa madasha Garsoorka iyo Doorashada waxa ay tahay xubnaha Baarlamaanka dalka.

Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa maanta si weyn loo adkeeyay, gaar ahaan xarunta ay ka dhaceyso Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka 10-aad ee Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com