Doorashadi ka dhacday Kenya talaadadi ina dhaaftay waxay ahayd mid ay isha ku hayeen dad badan oo soomaaliyeed. Qaar caruur iyo xaasas ka joogeen, qaar qaraabo kale ku lahaa, qaar ganacsi iyo hanti ka taalay iyo kuwa xiiseeyo harumarkaba dad badan ayaa sugayay sideey wax u dhacaan.
Maxaa Wajeer xiiso gooni ah u yeelay?
Wajeer waxay ka mid tahay gobalka waamo ee Kenya haysato. ilaa markii Kenya ay xorriyadda qaadatay waxaa lagu hayay caburis xad dhaaf waxaana laga hor istaagay wax walba oo horumar keeni karo. waa gobalka ugu hooseeye dhammaan goboladda Kenya marki la eego xagga dhaqaalaha, caafimaadka, wax barashada iyo wax soo saarka kalaba.
Wixii ka horeeyay 2010, dhammaan wixii dib u dhac ah ee gobalka ka jiray waxaa loo aanayn karaa dowlada dhexe oo si toos ugu taagnayd horumarka gobalka. Laakiin marki la badalay dastuurka dalka 2010 wixii ka danbeeyay waxay madaxda gobalku fursad u heleen inay wax ka qabtaan dhibaatada ku habsatay gobalkooda. waxaa si toos loo siiyay dhaqaalihi ku bixi lahaa meelaha ay matalaan, waxaana loo madax baneeyay waxa ay rabaan inay qabtaan. Dastuurka cusub gobalka wuxuu u qaybiyay 3 gobal oo siman mid walbana leeyahay barasaab gooni ah una madax banaan yahay harumarinta gobalkiisa.
Wuxuu dhisay xarumo cusub oo maamulku yeesho. horaantii ma jirin marki laga reebo meel aan eber wax dhaamin oo guumaystihi ka tagay. Wuxuu hirgaliyay xarunta tababarka caafimaadka ee Kenya oo nooceeda oo kale waligeed gobalka oo dhan uusan arag. wuxuu qalabeeyay dhamaan isbitaalada maamulkiisa hoos yimaado. sidoo kale wuxuu dayac tir balaraan ku sameeyay waddooyinka maro inta uu isagu maamulo.
Wajeer wuxuu ka dhigay gobalka labaad oo tusaale loogu soo qaato in dastuurka cusub wanaagsanyahay. Wuxuu tusaale u noqday madaxda wanaagsan ee kenya wuxuuna asturay ceebti soomaalida oo haddi uusan isaga ahayn la waayi lahaa qof lagu daydo.
Axmed waa shaqeeyay laakiin waxaa abaal looga dhigay cayris waliba lagu tiigsaday waayo waxaa looga guulaystay in kudhow 20 kun oo cod. Balse taas wax u dhimi mayso oo wax tarkiisi waa midaan qarsoomayn waayo badana laga sheekeyn doono.
W/D: Ibrahim Aden Shire
Ishire86@gmail.com