Doorashada Somaliland: Wax ka baro murashaxiinta iyo cod-bixiyeyaasha

13-ka bishan November,  Somaliland waxaa ka dhici doonta doorashadii saddexaad oo dadku ay dooranayaan madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen.

Codbixiyeyaasha:

Doorashadan oo laba jeer oo hore dib u dhacday ayaa waxa codayn doona 704,089 (todoba boqol iyo afar kun iyo siddeetan iyo sagaal qof).

Waxa ku tartamaya saddex xisbi oo midkiiba ay ka socdaan laba musharrax oo kala ah madaxweyne iyo ku-xigeen.

Murashaxiinta Madaxweynnimada iyo Ku-xigeennada:

Xisbiga UCID: Waxaa ka sharraxan Faysal Cali Waraabe oo ah musharraxa madaxweynaha iyo Axmed Cabdi Muuse (Abyan) oo ah musharraxa madaxweyne ku-xigeenka.

Xisbiga KULMIYE: Waxaa ka sharraxan Muuse Biixi Cabdi oo ah musharraxa madaxweynaha iyo Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici oo ah musharraxa madaxweyne kuxigeenka.

Xisbiga WADDANI: Waxaa ka sharraxan Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo ah musharraxa madaxweynaha iyo Maxamed Cali Aw Cabdi oo ah musharraxa madaxweyne kuxigeenka.

Murashaxiinta Halkee Ka Soo Jeedaan?

Saddex musharrax madaxweyne ayaa kasoo kala jeeda gobollada Maroodi-jeex iyo Saaxil. Halka saddexda musharrax madaxweyne ku-xigeenna ay kasoo kala jeedaan gobollada Awdal iyo Sool.

Tirada goobaha laga codayn doonno ayaa gaadhaya 1, 642 goobood kuwaasi oo la sheegay in ay yihiin Taleex illaa Lawyo-caddo.

Shaqaalaha Iyo Korjoogayaasha Doorashada:

Tirada shaqaaaha ka hawl-gali doonna doorashadan ayaa ah in ka badan 18,000 oo qof – kuwaasi oo guddida doorashooyinka Somaliland ay kala geeyeen 21 degmo doorasho.

Tirada goobjoogayaasha kormeeri doonna doorashadan ayaa ah 690 goobjooge oo iskugu jira kuwo caalami ah iyo kuwo maxalli ah.

Goobjoogayaasha caalamiga ah oo ka kooban 60 goobjooge ayaa ka socda 24 dal waxaana maalgalinaysa dawladda ingiriiska. Kuwa maxalliga ah ayaa iyaguna tiradoodu tahay 630 goobjooge.

Ammaanka doorashada waxa sugi donna ciidamo iskugu jira Millatari iyo Boolis.

W/Q: Khaalid Ismaaciil