Doorashadii Somaliland oo arrin cusub ay hareysay sida ay sheegeen mucaaradka

Hargeysa (Caasimada Online) – Xisbiyada Mucaaradka maamulka Somaliland ayaa wal-wal ka muujiyay dib-u-dhaca soo xareynta lacagta doorashooyinka maamulkaasi, ee laga sugayey xukuumadda.

Xisbiyada Mucaaradka ee Waddani iyo UCID ayaa ka digay in dowladda Somaliland ku guul-dareysato soo xareynta lacagta doorashada iyaga oo sidoo kale ku tilmaamay in ay arrinkaas ay khatarteeda leedahay.

Xukuumadda Maxamed Maxamud Silanyo ayaa laga sugayaa in ay bixiso lacagta doorashada, waxaana muuqata in ay ku guuldareysatay helista lacagta kadib markii ay ka aamin baxeen deeq bixiyeyaasha beesha caalamka oo maamulkaas ku eedeeyay waqti kororsi iyo in ay ka meermeerayaan dimoqoraadiyadda.

Doorashada Madaxtinimada Somaliland ayaa lagu wadaa in maamulkaas ka dhacdo bishan November ee sanadkan.

Waxaa doorashada markii hore lagu waday inay dhacdo bishan April, hase yeeshee waxaa dib loogu dhigay sababo la xiriira abaaraha ka jira qeybo ka mid ah gobollada Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
caasimada@live.com