Doorka ay darmaanta ka qaadan karto xalinta kacsi la’aanta odaygeeda (Aqri)

Ciniinnimada ninka haysaa haddaanay ahayn mid cusbitaal iyo qalliin u baahan, balse tahay mid nafsiyadeed oo waqti ku xiran, u heli meyno ninkaasi dhakhtar kaga wanaagsan darmaan uu jecel yahay iyana jecel oo ku daaweeysa istiimin iyo dhiirri gelin.

Haweeneydu kolka ay aragto in ninkeeda degganaan la’aani hayso, waa inay isweydiisaa haddii ay iyadu sabab u tahay iyo inkale, waana inay tamar iyo taag waxay leedahay isugu geysaa sidii ay gacalkeeda u badbaadin lahayd. Waa inay raaxadeeda qayb kamid ah u hurtaa sidii ay wax waliba dabeecigoodii ugu soo laaban lahaayeen. Waa inay dib ugu hurisaa qalbigiisa dab jacayl isaga oon dareemin, tiiyoo intay mar waliba miraayadda hor tagto oo hadba meel iska jebiso dhar cusubna qaadato, beddesha habkii ay u shanleysan jirtay iyo barafuunnadii ay isticmaali jirtay. Waa inay ku dadaashaa cuntada ay siiso, iyada oo wax waliba ka hor marinaysa cuntooyinka rabitaankiisa kiciya sida; kalluunka, hilibka, beerka, ukunta, cabitaannada la miiro, iwm.

Sidoo kale waa inay guriga quruxdiisa ku dadaashaa, kolka ay ninkeeda la joogtana si waayo aragnimo ah isugu dartaa ereyo jacayl, xodxodasho iyo kaftan. Haweeneyda uu ninkeedu ciniin noqdo waxaa lagama maarmaan ah inay waqtiga galmada u dhaqanto si xilkasnimo ku jirto, sababta oo ah ninka caynkaasi ah oo ka dareema xaaskiisa degganaan la’aan waxaa u kordha dhaawac iyo quus dheeraad ah. Waa inay ismoogeysiisaa ciniinnimada ninkeeda, kaftan iyo faracayaarna ugu dhaqaaqdaa. ninku kolka uu arko xaaskiisa isku darsatay qurux, soojiidasho iyo furfurnaan, waxaa markaasi sare u kaca rabitaankiisa jinsi.

Waxa la’isku raacay in dumarka waqtiga galmada reema, ereyada ay dheguhu ku raaxaystaanna ku aadaaraa ay toosiyaan dareenka ragga kuwa ugu ciniinsan. Waxa la yiri nin baa mid kale weydiiyey: “Dumarkiinna ka warran”. Markaas buu ugu jawaabay: “Waxay ku daran yihiin dhunkashada, dhuuqmada iyo lugo dhinac ka marinta”. Markaas buu kii su’aasha keenay intu yiri: “Kol haddaanay inta aad sheegtay qaylo dhaan ku dereyn aniga way iga dhinteen” halkii uga dhaqaaqay.

Waxaa la yiri: (Nin baa u yimid Cali bin Abii-Dhaalib (RC), kuna yiri: “Amiirul-Mu’miniinow waxaan qabaa naag markaan utegayo tiraahda: (Waad idishay..waad idishay!). Markaas buu Cali (RC) ku yiri: “Dil anigaa diyadeeda bixinayee”).

Haddaba haweeneyda, ha qabo nin ciniin ah ama mid calaacul sitaaye, waxaa laga doonayaa inay ninkeeda dareensiido inuu khatar yahay oon ragannimo u laabnayn, geedkiisana xumaan iska daaye aanay asagaba xamili karin, xitaa  haddaanay ayadu xaajo ka lahayn.

W/D: Sabriye Macallin Muuse.