Dooro qaabka aad ku dhiman laheyd!! (3 QISO)

Sakaratul Mowt ama Dhimashada ma xusuusataa maalin weliba. Qofba wuxuu maalin weliba uu caadeysto ayuu ku dhintaa oo lagu soo saaraa. Nabiga NNK wuxuu yiray: Ilaahow ii kaalmee xanuunka dhimashada ayaa i hayo”. Caa’isho xaddiis saxiixul Bukhari ku qoran ayey waxay tiri: Waxaan ag joogay rasuulka NNK oo sakaradaaya oo dhidid badan ka da’aya annigoo u hayo weel ama koob ku jira biyo.

Nabiga NNK wuxuu bilaabay inuu biyaha wax ka qaato oo wejigiisa uu mar mariyo isagoo dhahaya: ” Laa Ilaaha Illalahu dhimashada xanuun badanaa”. Waa hadaladii ugu dambeeyey ee uu Nabiga NNK ku dhawaaqayey. Waa tawxiidka uu dadka ugu yeeri jiray maalin weliba.

Waxaa idin sheegayaa 3 qiso oo khaatumo xumo ku saabsan ee xanuun badan:

1- Midda kowaad waxaa jiray nin dalaaley ahaa oo sakaraadayay ayaa qoyskiisii ku dhahay waxaad dhahdaa tawxiidka (Laa Ilaaha Illalahu) intaadan dhiman ka hor.  Ninkii wuxuu ka bixi waayey: sedex iyo bar ama afar iyo bar ilaa uu ka dhintay.

2- Waxaa kaloo jiray nin heesaa ahaa oo sakaraadayey oo la yiray waxaad dhahdaa tawxiidka (Laa Ilaaha Illalahu) intaadan dhiman. Wuxuu ku jawaabay oo uu ku celi celiyey hees u qaadi jiray ilaa uu ka dhintay.

3- Ninka kale oo khamrada cabi jiray oo sakaraadayey ayaa la dhahay waxaad ku dhawaaqdaa tawxiidka (Laa Ilaaha Illalahu) intaadan dhiman, markaasuu ku celceliyaa ii dhiib bahasha aan kabadee.

Waxaan naftayda iyo tiinaba idin xusuusinayaa inaan badino kalimadda tawxiidka ee Laa Ilaaha Illalahu mar weliba iyo meel weliba ee aan joogno. Ilaahow nagu dil kalimada tawxiidka ee Laa Ilaaha Illalahu. Aamiin.

W/Q: Imam/Director Hassan Mohamud, J.D.
Islamic Dawah Center/Minnesota Dawah Institute