Mareykanka oo ballan qaad culus u sameeyay ciidamada Somalia

Dowlada Mareykanka ayaa waxa ay sheegtay in Soomaaliya haatan ay u talaabsatay dhanka horumarka islamarkaana ay u baahan tahay sidii loo gacan qaban lahaa.

Safiirka Mareykanka u fadhiya dalka Uganda oo gaaray dalka Uganda ayaa waxa uu kulumo kala duwan la qaatay Mas’uuliyiinta dowlada Uganda iyo waliba safiirka Soomaaliya u fadhiya Uganda,waxa ayna kawada hadleen arimaha Soomaaliya iyo horumarka lagu talaabsaday.

Safiirka Mareykanka u fadhiya Uganda Soctt.H Delisi ayaa sheegay in Mareykanka haatan u bisil yahay sidii taageero dheeri u sii lahaa Soomaaliya oo u dhaqaaqday dhanka horumarka iyo sidii dalka loogu soo celin lahaa Soomaaliya haykalkii dowladnimo ee wadanka ka jirtay.

Waxa uuna Safiirka uu sheegay in Mareykanka uu balanqaadayo qalabeynta iyo tayeynta ciidamada Pooliiska Soomaaliyeed si awood ugu yeeshaan adkenta ammaanka guud ahaan dalka Soomaaliya.

Sidoo kale Safiirka Mareykanka u fadhiya Uganda Soctt.H Delisi ayaa hadalkiisa intaasi ku daray in Mareykanka uu horay u garab taagnaa Soomaaliya hadana uu sii balaarinayo taageerida Soomaaliya Mareykanka uu siinayo.

Kulanka labada safiir ee Soomaaliya iyo Mareykanka Dr Sayd Axmed Shiikh Daahir iyo Soctt.H Delisi ayaa waxaa uu imanayaa xili wadamada daneya arimaha Soomaaliya ay gacan weyn ka geysanayaan sidii dalka Soomaaliya uu ugu soo laaban lahaa dhabihii horumarka.

Ugu danbeynta Safiirka ayaa soo hadal qaaday howlgalka Midowga africa ay ka wadaan soomaaliya,waxa uuna carabaabay in guulo iyo hormar la taaban karo ay ka gaareen dagaaladii ay la galeem AMISOM.