Mareykanka oo weynaya qeyb ka mid ah maraakiibtiisa dagaal sanadda 2020.

Washington (Caasimadda Online) – Warbixin dhowr Page ka kooban oo ay qoreen baarayaal Mareykan ah ayaa ka dardaar warinaysa mustaqbalka ciidanka badda Mareykanka oo mar kamid ahaa kuwa ugu awoodda badan caalamka uguna hormarsan.

Warbixinnada ayaa sheegaya in si tartiib tartiib ah uu Mareykanku uluminayo awooddiisi dhanka badda taas bedelkeedna dowlado yaryar ay soo korayaan oo ay dhisanayaan ciidamo badda ah iyagoo sameysanaya hub casri ah.

Marin biyoodyada caalamiga ah ayaa muhiim u ah ganacsiga iyo awood ballaarsiga sidaas oo ay tahay haddii mareykaku dhanka awoodda badda ka daciifo wuxuu noqon doonaa dal aan laloolami Karin dowlado xifaaltan dhan walba ah kala dhaxeeyo sida Ruush-ka iyo shiinaha.

Baarayaal ku takhasusay arrimaha difaaca Badda waxay saadaalinayaan in waqti aan dheerayn ay ciidamada Badda ee Maariiniz-ka loo yaqaan ay lumin doonaan sedax meelood hal meel awoodoodi.

Shabakadda Jeffens News ee laga leeyahay wadanka Mareykanka ayaa maqaal dheer oo ay ku daabacday Boggeeda internetka waxay si xeeldheer uga faallootay habacsanaanta lama filaanka ah ee ku timid ciidanka Badda Mareykanka “Ciidanka Badda Mareykanka si tartiib tartiib ah ayay usii daciifayaan waxaana lafilayaa in marka lagaaro sanadda 2020 ay lumiyaan sedax meelood meel hubkii iyo maraakiibtii ay ku howlgelayeen” ayay tiri Jeffens News.

shabakadda oo soo xiganaysa Brian McGrata oo ah falanqeeya melleteri ayaa sheegtay in hadda ay taagantahay khatar ku wajahan ciidanka badda Mareykanka balse aysan ku baraarugsanayn mas’uuliyiinta dowladda Mareykanka.

“waxaa daruuri ah in dib loo eego qalabka ay isticmaalaan ciidanka Mareykanka sida in dayactir waxgal ah lagu sameeyo maraakiibta iyo hubka ciidamada, waxaana waajib ku ah wasaaradda Gaashaandigga iyo Taliska Maariiniz-ka in ay bixiyaan qarashka ku baxaya” sidaas waxaa yiri Brian McGrata oo ah khabiir Melleteri.

Jeneraalkan Mareykanka ayaa dhibaatada ka taagan ciidanka Badda mas’uuliyadda dusha uga tuurtay madaxda mareykanka isagoo dhibaatada ugu daran usababeeyay dhaqaala darro “waxaa jira mashaakil dhanka miizaaniyadda ah oo dhib weyn ugeystay Heykalka ciidanka badda” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Jeneraal Brian McGrata.

Jeffens News waxay warbixintan dhowrka Page ka kooban ku sheegtay in qaar kamid ah Maraakiibta gujisyada ah iyo kuwa wax baabi’iya ay ku dhowyihiin howlgab halka qaar kale aysan u wanaagsaneyn in ay u shaqeeyaan dowlad weyn oo loola jeedo Mareykanka.

“Dhowwaan howlgab ayay noqonayaan maraakiibta gujisyada iyo xambaara gantaallada Kuruuzka sida Mobile Pay iyo Bunker Hill oo cimrigoodu kor u dhaafay 35 sanadood” sidaas waxaa lagu caddeeyay warbixinta ay faafisay Jeffnes News.

ilo wareedyo isla shabakaddaas ay heshay waxay xaqiijinayaan in marka lagaaro sanadda 2026 ay dowladda Mareykanku weyn doonto 11 kamid ah maraakiibta ugu waaweyn ee ciidanka Badda sababa laxiriira gaboow iyo dayactir la’aan.

Warbixinta ayaa saadaalinaysa in mareykanka ay horyaallaan laba khiyaar oo kala ah in uu dib udayactir ku sameeyo maraakiibtan oo kuna bixiyo lacago ballaayiin dollar ah ama uu iibsado maraakiib kale oo gujisyo ah.

Falanqeeyayaasha u dhuun daloola melleteriga Mareykanka waxay saadaalinayaan in mareykanka xilligan la joogo uusan ku fikirayn dib uhagaajinta maraakiibta gaboowday balse laga yaabo in maraakiibtaas aysii shaqeeyaan iyadoo aan loo adeegsanayn arrimo dagaal.

Bishii lasoo dhaafay waxaa shaqada laga eryay laba taliye oo katirsanaa ciidamada Badda Mareykanka kadib shilal tobaneeyo askari ku dhinteen oo ka dhacay badaha qaaradda Asia gaar ahaan Japan iyo sangabuur.

Donald Trump ayaa lafilayaa in uu saxiixo mashruuc ballaaran oo lagu dhisayo markab dagaal oo nuuciisu casri yahay kaasi oo lacagta ku baxayso ay tahay ballaayiin dollar ah waxaana qandaraaska dhismaha Markabkaas qaadatay mid kamida shirkadaha ugu weyn ee farsameeya maraakiibta oo fadhigeedu yahay gobolka Florida.

Duufaanno khasaariyay lacago malaayiin dollar ah iyo dagaalka aan joogsiga laheyn ee Mareykanku wajahayo ayaa loo sababeynayaa in hoos u dhac ku yimaad awooddiisa melleteri waxaana jira in dowlado kale ay soo ciriirsanayaan booskiisa sida Ruush-ka Turkiga iyo shiinaha oo awoodoodu sii laba kaclaysay sanadadii tagay.

Loolanka dhanka hubka ah ee kajira gaziiradda Kuuriya ee qaaradda Asia ayaa iyana qeyb ka ah dagaalka qaboow ee America wajahayso marka lagasoo tago dagaalka ay kula jirto jamaacaadka Jihaadiga ah.

Source: Jeffens News

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com