Dowladda oo u yeertay 10 Safaaradood oo ay ku jiraan kuwa aan 4 bil ah helin Mushaar

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa u yeertay in ku dhow 10 safiir oo Soomaaliya u fadhiya dalalka dibadda inay degdeg ugu soo laabtaan dalka iyadoo loo diray waraaq kasoo baxday wasaarada Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Kusimaha Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa waraaq uu u diray dhammaan Safiirada dalalka Jabuuti, Shiinaha, Sudan, Qatar, Kuwait, Abu Dhabi, Uganda iyo Zambia ugu sheegay inay si deg deg ah u imaadaan Muqdisho.

Qoshahan oo la sheegay inay isla ogyihiin madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa ujeedkeedu yahay in isbedel lagu sameeyo safiirada in ka badan 4 sano xilka hayay, kuwaas oo qaarkood shaaca ka qaaday inaysan dowladda cusub ee Soomaaliya wax mushaar ah siinin muddo 4 bil ah isla markaasna lagu heysto kirada safaaradaha iyo waxyaabaha asaasiga ah oo ay u baahan yihiin Sida Kirada Baabuurta, Shidaalka iyo Shaqaalaha.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso waraaq kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibadda: