Dowladda Somalia oo markii ugu horreeysay sharuudaha shaqo bixinta ku dartay qabiilka

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Xaquuqul Insaanka Dowladda federaalka Soomaaliya oo boggeeda Internet ka ku soo xayeysiisay jagooyin ka bannaan Guddiga Madaxa Banaan ee Xuquul Insaanka ayaa sharuudaha qofka shaqa doonka ee soo codsanaya jagooyinkaas ku xirtay in looga baahan yahay in u qabiilkiisa iyo jufadiisa hoose .

Foomka ay soo saartay Wasaraadda Haweenka ee looga baahan yahay inuu buuxiyo muwaadin walba oo soo codsanaya ilaa 19 jagooyin oo bannaan ayaa dad badan oo Soomaaliyeed oo daneynaya shaqooyinkaasi islamarkaana soo kaamilay sharuudaha caadiga, ayaa la fajacay markii foomka sharuudaha lagu soo daray inay qasab tahay in aad soo sheegto qabiilka iyo jufada hoose sida aad ka arki karto website wasaaradda Haweenka ee foomka la soo dhigay www.mwhrd.gov.so/foomka-arjiga/ 

Dad badan oo damacsanaa in ay jagooyinkaasi dalbadaan ayaa dib uga laabtay damacooda ka dib markii ay ku kalsoonaan waayeen nidaamka shaqo maadama ay ku xiran tahay in muwaadinka shaqada ku guuleysanyo qabiilka iyo jufo hoosaadka uu ka dhashay.

Tani ayaa noqoneeysa markii ugu horreeysay ee dowladda Soomaaliyeed si rasmi ah sharuud uga dhigto in muwaadin shaqo ka doonaya dowladda uu codsigiisa ku soo daro qabiilka iyo jufo hoosaadka uu ka dhashay.

Baarlmaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sanadkii 2016 dii meel-mariyey sharciga Guddiga Madaxa Bannaan iyadoona shaqooyinka Guddiga ay ka mid tahay ,Xukumida shaqsiyaadka geeysta gabood-fallada ka dhanka ah xuquuqul Aadanaha Soomaaliya iyo sidoo kale difaacida, daba-galka,tixgelinta iyo horumarinta xaquuqul aadana Soomaaliya.