DF Somalia oo ka soo horjeesatay Shir ay qaban qaabineyso QM

Muqdisho (Caasimada Online) War-Saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya aysan la socon waxbana ka ogeyn abaabulka iyo Ajandaha Shirk ay qabanqaabineyso Hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqul insaanka oo kaashaneysa NGOs.

Warsaxaafadeedka  dowladda ay soo saartay ayaa u qornaa sidan:-

Sida ku cad dastuurka Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dowladda Soomaaliyeeed waxey xaq dhowreeysaa, xurmeyneeysaana xuquuqda aadanaha iyadoo arrinkaas laga ambaqaadayo, Xukuumaddu waxey ku dhaqaaqday tallaabooyin cad cad oo lagu xaqiijinayo laguna dhowrayo xuquuqda Dumarka iyo dadka laga tirada badanyahay.

Dowladda Soomaliya waxay caddeyneysaa inay diyaar u tahay kana shaqeyneyso dhameystirka geedi socodka lagu meelmarinayo barnaamijka Universal Periodical Review (UPR),  iyadoo meelmarinta barnaamijkaas uu ka dhimanyahay ansixinta Baarlamanka Soomaaliya oo qura” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Haddaba Xukuumadda Soomaaliya waxeey muujineysaa dareenka ay ka qabto shir ay abaabuleyso Hey’adda Qaramada Midoobay ee Xuquuqul Insaanka oo kaashaneysa NGOs, shirkaas oo aysan dowladdu la socon waxna ka ogeyn abaabulkiisa iyo ajandihiisaba.

Ma cadda waxa ay dowladda ku diiday shirkan looga hadli lahaa xuquuqda aadanaha, iyadoo Soomaaliya ay ka mid tahay waddamada sida weyn loogu xad-gudbo xuquuqda aadanaha, taasoo dadka geesta aan wax laga qaban.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho