England oo kasoo horjeesatay guurka isku jinsiga ah kadib muran badan

London  (Caasimada Online) – Codbixin aqlabiyad leh oo laga qaaday Church of England ayaa waxaa si rasmi ah loogu diiday qorshihii guurka dhexmara dadka isku jinsiga ah ee u dhashay dalka England.

Inta badan Church of England ayaana u codeeyey in meesha laga saaro guurka dhexmara dadka isku jinsiga ah, ama si kale haddii loo dhaho inay raggu isku galmoon karaan dumarkuna isku guuxi karaan.

Halkaas waxaa kusoo dhammaaday qorshe muran badan ka dhaliyey England oo si weyn loo hadal haayey seddaxdii sanno ee lasoo dhaafay. Xukuumadda Theresa May ayaana haatan u muuqata inay xal u heshay arrintaan.

Ragga isku hawooda ee Kirishtaanka ah ayaa markasta dalbanaayey in lasoo dhoweeyo isla markaana taageero loo muujiyo, balse codbixin u dhacday 103 iyo 83 ayaa looga adkaaday qolyihii u doodayey. Taasoo ka dhigan in aysan haatan isguursan karin dadka isku jinsiga ah ee dalka England.

Wuxuuna guurku dhexmari karaa rag iyo dumar oo keliya.

Caasimada Online
Xafiiska London 
Caasimada@live.com