Erdogan:- Looma dulqaadan karo dhibaatada lagu hayo dadka Rohingya. CI

Madaxwayne Rajib Dayyip Erdogan oo ka hadlayey fadhiga loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey oo ka socda Magaalada New york oo aad uga xun dhibaatada lagu hayo dadka Rohingya  ayaa yiri.

“Dadka Rohingya oo welba ku noolaa nolo faqri ah ayaa hada waxaa loogu sii daray dil, dhac, kufsi iyo barakac aan loo dulqaadan Karin, wax kale iska daaye waxaa lagu xadgudbey xuqqooqdoodii muwaadinimo, arintaasi waxay sababtay in boqolaal kun oo qof oo aad u jilicsan oo caruur, haween iyo dad da’ ah u badan  lagu qasbo iney guryahoodii ka cararaan, dadkaasi waxay ku dacdraysan yihiin Xerooyin ku yaala dalka  Bangaladeesh, Qaxootigaasi aduunka kama helin waxyaabihii ay xaqa ugu lahaayeen oo ah iney kaalmo helaan”

Mr. Erdogan waa uu sii hadlay oo waxa uu yiri.

“Dhibaatada lagu hayo dadkaas waa aan ka damqanay oo waxan u dirnay oo halkaaas gaarey Wiilkayga, Xaaskayga iyo Waasiiro ka tirsan Xukuumadda Turkiga, waxay indhahooda kusoo arkeen Musiibada Bini’aadanimo ee dadkaas haysata,  waxaana wehliya oo ilaa iyo hada dadkaasi kaalmaynaya Hayadaha Turkiga oo ay ugu horeeyaan TIKA, Bisha Cas ee Turkiga iyo NGO-yo laga leeyahay dalkeenna”.

Madaxwaynaha dalka Turkiga  oo jecel in dhibaatadaas la soo afjaro ayaa yiri. “Hadiii aan la joojin musiibada ka jirta Myanmar waxaa meesha ka baxaya taariikhda gargaarka bini’aadanimo ee caalamka ka jirta, waxaa lama huraan ah in dadka Rohingya ee guryahoodii xoogga looga saaray ay helaan nolol iyo amaaan ay ku naaloodaan oo ay ku helaan dalka Bangaladesh oo ay marti ku yihiin”.  waxa uuna intaas ku daray “ Turkigu waxay diyaar u yihiin iney ka qayb qaataan sidii arintaas loo dhamayn lahaa oo ay dadka Rohingya xuquuqdooda u heli lahaayeen, inagoo taas ka duulayna waxaan qaban qaabinaynaa kulan ay isugu yimaadaan wadamada Muslimka ee ku bahoobey ururka OIC”

Madaxwayne Rajib Dayyip Erdogan waxa kale oo uu ka hadlaay arimo fara badan oo caalamka ka taagan sida Dhibaatada Suuriya iyo qaxootiga dalkiisa ku sugan oo gaaraya  3.2 milyan iyo sida aaney wadamada reer galbeedku uga qaadan  kaalintoodii bini’aadanimo.

Waxa kale oo uu ka hadlay dhibaatada ururada ASIS, DACISH iyo BKK ku hayaan bariga dhexe, waxa uu soo hadal qaaday mashaqada ka taagan dalalka Liibya iyo Yeman, waxa uu codsadaay in si degdeg ah loo qaado go’doominta lagu hayo dalka yar ee Qadar. Mr. Erdogan waxa uu dambayntii carabka ku dhuftay dhibaatada uu caalamka ku hayo hubka Niyukleerka isagoo hoosta ka xariiqay in dowladdiisu ay  Soomaaliya ku bixisay ka badan hal Bilyan oo doolar hadana uu diyaar u yahay in uu dalkaasi gacan qabto.

WQ. Cabdinaasir Xersi Iidle.

Mail. naasirx1@gmail.com

Tel. 00252-605503978