Erdogan: “Marka ay dhab iyo ficil gaarto waad dhuumaneysaan! maad u gurmataan Somalia”

Istanbul (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa si fiican uga hadlay Qaraxii ka dhacay Magaalada Muqdisho oo ay ku dhinteen boqolaalka qof, iyo sida beesha caalamka kuwa isku sheegay ay u dhuuntaan marka ay dhab noqoto.

Madaxweyne Erdogan ayaa si weyn u cambaareeyey dowladaha kaliya afka ka hadlay ee aan ficilka ku daran, ee iska dhiga inay caawinayaan Soomaaliya.

Wuxuu ugu baaqay dowladaha Adduunka in loo gurmado isla markaasna ficil la sameeyo.

Wuxuu sheegay in dhakhaatiirta Turkiga ay hadda ku sugan yihiin Muqdisho iyagoo dhaawacyada u sameenayo Qalliino kala duwan.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso hadalkiisa oo dhameystiran.

” waxaa Soomaaliya ka dhacay far argagixo ah, yaa u gurmaday? Turkey

“Waxaa ku dhintay Soomaaliya dad ku dhow 300, kuwa kale oo tira badanna way ku dhaawacmeen. Waxaa isla markiiba gurmaday Turkiga oo diray dhaqaatiir iyo gurmad caafimaad”

“Aaway dalalkii kale? Markii ay joogto hadal, dhammaan way soo wada qaylinayaan, balse markii ay runta gaarto way kala dhuumanayaan!”

“Aaway diyaaradihiine? Aaway dhaqaatiirtiinii ku takhasusay qaliimada? Maad u gurmataan Soomaaliya?”
” Turkiga dhakhaatiirtiisa waxay joogaan Isbitaalka Recep Dayib Erdogan ee Muqdisho, halkaas bay qaliimo ugu sameenayeen dadkii dhaawacmay”