Erdogan oo weerar ku qaaday safaaradaha USA iyo Britain ee Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Dayyip Erdogan oo Saxaafada kula hadlaayay magaalada Istanbuul ayaa amaanay Safaarada ay dowladiisa ku leedahay Somalia.

Erdogan ayaa sheegay in Safaarada dowladiisa ee magaalada Muqdisho ay tahay mid u dhiganta 20 Safaaradood oo uu Mareykanka ku leeyahay adduunka intiisa kale.

Erdogan waxa uu sheegay in dowlada Turkiga ay si fog uga fakareyso mustaqbalka dhow, waxa uuna meesha ka saaray in Mareykanku uu leeyahay qorsho fog oo ka duwan kan Turkiga damacsan yahay.

Mar wax laga weydiiyay Erdogan waxyaabaha Safaarada Turkiga kaga duwan tahay kuwa Mareykanka ayaa waxa uu sheegay in Safaaradaha Mareykanku yihiin kuwo ka sameysan Kunteenaro iyo guryo yaryar oo leysku xiro.

Waxa uu tusaale usoo qaatay Safaarada ay dowlada Mareykanka ku leedahay Somalia, gaar ahaan Xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho, waxa uuna tilmaamay in gabi ahaanteeda ay tahay mid ka sameysan Kunteenaro iyo kuwo yaryar oo leysku xiray.

Waxa uu cadeeyay in Mareykanka laga doonaayay in Somalia uu ka dhisto Safaarada ugu weyn Africa, balse aysan ku fekerin fursadaha horyaal.

Sidoo kale, Safaarada Turkiga ayuu sheegay inay tahay tan ugu weyn Africa, isla markaana xusay xitaa inay ka dhismo iyo quruxbadan tahay Safaarada Britain ee magaalada Muqdisho.

Safaarada Britain ee Muqdisho qudheeda ayuu ku sifeeyay mid aad uga yar tan Turkiga, isla markaana ka dhisan Kunteenaro iyo Carro tuur.

Haddalka Erdogan ayaa imaanaya xili uu fursad u helay la kulanta boqolaal Shacab oo ay ku jiraan Suxufiyiin ka kala socday Wakaaladaha.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com