Erdogan oo weerarkii ugu cuslaa ku qaaday Jarmalka kuna qeexay…

Madaxweynaha Turkiga, Rajab Tayib Erdogan, ayaa ku tilmaamay hogaanka Jarmalka mid “cadow” ku ah dalkiisa, asagoo ugu baaqay dadka asal ahaan Turkiga ka soo jeeda ee haysta dhalashada Jarmalka in aanay u codeyn isbahaysiga hadda u taliya dalkaasi.

Doorashada guud ee Jarmalka ayaa dhici doonta 24-ka September ee sanadkan, waxaana codkooda ka dhiiban doona ku dhawaad milyan qof oo Jarmal ah balse asal ahaan ka soo jeeda Turkiga. Qaar badan oo ka mid ah dadkaasi ayaa taageersan madaxweyne Erdogan.

“Xisbiyada kala ah Christian Democrats [CDU], Social Democrats [SPD], iyo Green Party waxay dhammaantood cadow ku yihiin Turkiga,” ayuu yiri madaxweyne Erdogan.

Ma aha markii ugu horaysay ee uu Erdogan hadalo adag u adeegsado Jarmalka.

Labadan dal ayaa leh xiriir dhaqaale oo ballaaran, sidoo kale waxay ka wada tirsan yihiin gaashaanbuurta NATO.

Muranka u dhexeeya labada dal ayaa sii xoogaystay wixii ka dambeeyay isku-daygii afgembi ee Turkiga ka dhacay 15-kii July 2016, kaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 240 qof.

Xukuumadda Ankara ayaa Jarmalka ku eedeysay inay magangelyo siisay askar loo haysto inay qeyb ka ahaayeen isku-daygaasi.

Waxaa arinta uga sii daray markii uu Jarmalka u diiday mas’uuliyiin ka tirsan xisbiga madaxweyne Erdogan inay olole ka sameeyaan gudaha dalkaasi, ayagoo xilligaa jaaliyadda Turkiga ah taageero uga raadinayay aftidii dhacday bishii April.