Eritrea oo qabsatay qeybo ka mid ah dhulka Jabuuti iyo xiisad dagaal oo kacsan

Jabuuti (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibedda Jabuuti ayaa Eritrea ku eedeeyey inay qabsatay dhul lagu muransan yahay waxyar kadib markii ciidamada nabad-ilaalinta Qatar ay halkaas ka baxeen toddobaadkan.

Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay in ciidamada Jabuuti ay heegan ku jiraan, islamarkaana ay cabasho u gudbiyeen QM iyo Midowga Afrika.

“Ciidamada Qatar waxay baxeen 12-kii iyo 13-kii June. Islamaalinkiiba ciidamada Eritrea waxa ay dhaqdhaqaaqyo ka billaabeen buuraleyda” ayuu Maxamuud Cali u sheegay wakaaladda wararkla Reuters.

“Waxay hadda si buuxda u maamulayaan buurta Dumeira iyo jasiiradda Dumeira. Tani waxay xadgudub ku tahay qaraarkii QM” ayuu yiri.

Dowladda Eritrea wax jawaab ah kama bixin warka kasoo baxay Jabuuti.

Dowladda Qatar ayaa ku dhawaaqday toddobaadkii tagay inay ciidamadeeda nabad-ilaalinta kala baxday xuduuda kala qeybisa Jabuuti iyo Eritrea kadib markii labada dalba ay la safteen xulufada Sacuudiga uu hoggaamiyo ee xiriirka u jaray Qatar.

Labada dal ayaa muddo waxaa ka dhaxeeyey muran dhuleed, hase yeeshee waxaa nabad ka dhex oogayey ciidamada dlaka Qatar ee halkaas la geeyey.

Caasimada Online
Xafiiska Jabuuti
Caasimada@live.com