Ethiopia oo hal talaabo u soo qaaday u dhawaanshiyaha Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Ethiopia ayaa bilowday markii ugu horeysay qaabab kale oo ay ugu soo dhawaan karto dowladda Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Dowladda Ethiopia ayaa gargaar raashiin ah oo loogu talo galay dadka ay abaaraha saameeyeen waxay ku wareejisay dowladda Soomaaliya.

Raashiinkaan ayaa waxaa loogu tala galay in loogu gurmado dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu ay saameeyeen ee ku sugan gobolada Dalka iyo duleedka Muqdisho.

Wasaarada Gargaarka ee Xukuumada Soomaaliya ayaa Dowladda Itoobiya kala wareegtay raashiinkaan gargaar ee gaaraya 18 baabuur.

Safiirka Dowladda Itoobiya ee Soomaaliya Jamaaludiin Mustafa ayaa sheegay in Dowladda Itoobiya ay diyaar u tahay in ay ka qeyb qaadato howlaha gargaar ee ka soconayo Dalka.

Wasiir kU Xigeenka Wasaarada Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Xukuumada Soomaaliya Cilmi Cumar ayaa sheegay in Dowladda Itoobiya ay kala wareegeen raashiinka gargaarka.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET