Faaduma Dayib oo loo magacaabay xil muhiim ah iyo Farmaajo oo si weyn ….

Muqdisho (Caasimadda Online) – Faadumo Dayib oo mar ka mid noqotay Musharaxiintii Madaxweynaha Soomaaliya, balse markii dambe ka hartay Tartanka, ayaa loo magacaabay Madaxa Haweenka ee Hey’adda Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Faadumo Dayib  kula kulmay Xarunta Madaxtooyada, iyadoo ka mahad celisay qaabilaada iyo soo dhoweynta uu Madaxweynuhu u sameeyay.

Faadumo Dayib Xafiiska ay madaxda ka noqotay ayaa qaabilsan awood siinta Haweenka iyo sinnaanta Jinsiga, iyadoo ka shaqeyn doonto barnaamijyada Haweenka ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.

Tan iyo markii ay Faadumo ku dhawaaqday inay iska dhaaftay musharaxnimadeeda Doorashada Soomaaliya waxay dadaali dheeri ah ku bixisay inay xilkaan hesho taasoo ugu dambeyn u dhacday sida ay rabtay.