Faa’idooyinka ay dhirta beeristeedu ay u leedahay deegaanka. (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Beerista  dhirta waxey sabab u noqotaa in la dareemo saxansaxo udgoon oo caafimaad iyo raaxo leh.

Dhirta-beeristeeddu waxay lagama-maarmaan u tahay in la sii wado isu-dheelitirka deegaanka, Dhammaaan jiritaanada nool waxay si-uun ama siyaabo kale ugu tirsan yihiin dhirta.

Habab tiro badan, ayey dhirtu-tabarteedda, hab-dhismeedkeeda iyo adkeysigeedba waxtar badan ugu samaysa degaanka. Dhabtii, ku beeridda dhir badan oo badan bey’adda ama deegaanka  aan ku noollahay aad iyo aad bay muhiim u tahay, Maxaa yeelay nolosha oo keliya ma taageerto balse waxay isla markaasna hawada dhulka dushiisa ah ka saarta noocyo kala-duwan oo bakhuurka hawada xumeeya ah.

Maqaalkan ama qoralkaan, waxaan ku taxaya fa’iidooyinka ay dhirta-beeristu u leedahay degaanka aynu kunoolnahay  Mid mid ula  soco, oo kororso  aqoontaada ku aadan dhanka dhirta(plants), waxaan umaleynayaa inaad waxbadan kafaa idayso markaad akhrisato faa’idooyinkaan hoos kuqoran oo kusaabsan dhirta waxana ka mid ah:-

  1. Dhirtu waxay bixisa degaan dabiiciya oo kale ah, halkaasoo, ay taageero ku siisso degaan noocyo kala duwan isku-jira. Metelan ama tusaale, waxay siisaa duur-joogta macnaha keli-ahaanshaho iyo amni markay gabaad ka soo raadsadaan keymaha. “Taasi waa tusaale ka mid ah adeegyada ay taageero ahan u bixiso dhirtu(Shelter).”
  1. Dhirtu waxay hawada ka saarta hawo siyaado ah oo ka kooban carbon dioxide iyo wasakho-hawo ah oo ku jira, oo ay ka mid yihiin sulfur dioxide, ozone and nitrogen(Air filtration).
  1. Dhirta-beeristeedu aad bay muhiim ugu tahay in la hagaajiyo hawada-tayadeedda iyo in la yareeyo wasakhdeedda.
  1. Dhirta-beeristeda ayaa lagu hagaajiya nooca-aragtiyeed ee muuqaalka dhulka(aesthetic),taas o bedaleysa misna horumarinaysa tayada-nololosha ama wax badan ku kordhinaysa noolaha noolashiisa.
  1. Dhirta-beeristeda ayan ku kordhin karnaa  ama ku hormarin karna Nolosha-duurka(land recovery).
  1. Dhirtu waxay bixisa hadh/r ama hoos(shadow) ay isticmaalaan noolayaasha oo dhan oo ay ugu ganbadaan qoraxda  sababtaas-awgeed ayey meel dhexaad uga dhigta heer-kuleelka waqtiga kuleelaha ah.
  1. Dhirtu waxay yaraysa cara-guurka(soil erosion), maxaa-yeelay xididadeedda ayaa isku-dhejiya ciidda, waxay kale oo caawinta oo ay samaysa ama sii hagaajisa ciidda-carasanka ah, meelkasto oo ayku yartahay dhirta waxaa kuyer carada kadibna waxaay iskubedelaysaa meesha ayka guurtay dhirtu meel saxaro ah oo kuleelkeeda aad u daranyahay(climate change).
  1. Dhirta-cagaarkeedu midab ayey ku dartaa muqaalka guud ka-dibna waxay wanaajisa quruxda-dabeecadeed ee degaanka. “Waa muqaal araggu ku doogsanaayo oo soo jiidasho iyo xiiso lagu farxo leh oo indhahana uroon(green land).
  1. Dhirta beeristeeda waxay qeebweyn ka qaadataa Bakhuurka hawada(Air pollution) xumeya in lagu yareyo(pollution reduction) waxa lagu yareyn karaa, fidin-badan o waxa la beeraya dhir intii hore ka sii badan sidookale waxaa lagu dadaalayaa in laga celiyo dadku in aysan jarin dhirta Deforestation).
  1. Dhirta-beeristeedu waxay si fiican u sahasha maamulidda biyaha-daadka ah (floodng). Dhirtu waxay isla-markaasna yaraysa khataraha fatahadaha daadka markasto meesha ay kubadantahay dhirtu way yareneysaa in ay biyuhu sidhakhsi ah ay uscodaan laakin hadaysan meesha kubadneyn dhirtu, biyuhu waxey gaarayaa meelo fog, sidookale  waxay yeeshaa  dhirtu biyaha-roobku in ay qunyar u socdaan ka-dibna ku dhex-miirmaan ciidda ilaa xad, kolkii ay orod ku dhaafi la’hayeen. “Marka sidaas oo kale la falo waa hubaal in u dhulku biyaha ka dhergaayo ka-dibna isu-rogaayo cagaar saxansaxo-raysseed leh oo nooluhu ku soo hirto.
  2. Marka la fiiriyo daraasadaha la sameeyey (research study), dhamaan waxa lagu ogaaday, guryaha iyo hantida kale ee ma guurta ah ee ku yaal meelaha dhirta lagu beero in ay ku soo jiidanayaan in aad ku nolaato,” sidaa-dareed waana ka qaalisan yihiin kuwa laga helo meelaha aan dhirta lahayn. tankale waa in layareeyaa jaritaanka dhirta dadweynahana lagu wacigaliyo faa’iidada ay uleedahay dhirtu deegaanka iyo saameynta aykuleedahay nolasha  markasto meesha ay kurayaraato beerista dhirta waxaa dhacaayo nabaad guur dinaca dhirta ah (habitat degradation) hadii mesha ay kaguurto dhirtu waxay iskubedeleysaa meel lamadegaan ah ama saxraa ah(Desertification).

Ugu  dambayntii markaan adeegsano ilaa intaas yar ama qodobada  ee kor ku xusan, waa in aan ka fahamno fa’iidooyinka ay dhirta-beeristeeddu u leedahay degaanka ka-dibna qorshaha ku darsano in aan dhir beerno, madaama ay muhimad ilaa xadkaas ah  iyo ka badanba  u leedahay jiritaanka-nolaha dhankastoo laga eego baahidiisa oo ay  kuficantahay inuu ku noolaado meel doogleh oo indhuhunu aykudoogsadaan  mesha haday dhirtu kubadantahay waxaad ugu faa idaysankartaa dhankasta tusaale ahaan xoolaha ayaa kuu cunaayo isku mid mahan xoolaha ku nool meelaha saxara ah ama lama degaanka ah iyo midka kunool meelaha hoodka ah ama meelaha aykubadantahay dhirtu jawaabtu way iska cadahay iskuna mid  ma ahan sidaa darteed ayey dhirtu muhiim utahay.

Waxaad isweydiisaa maxaa wax  loga qaban la’yahay dadka xaalufinta kawada wadanka Soomaaliya kudhowaad inkabadan 30-sano oo ay dadkale oo ganacsada sheeganayo  ay u iibgeeyaan wadamada kale, koonfurta iyo bartamaha  Soomaaliya ayaa ugu badan xaalufinta meesha ay kajirto waa halkaas.

Hadaba yaa laga sugayaa in ay wax ka qabtaan dadka deegaanka nabaad guuriya(land degradation).?

W/Q Abdirashid Artan (environmentalists)

Agaasimaha  : Somali Environmental Conservation Center(SOMENCO)

                    Mogadishu,Somalia