FAALLO: CABDI ILEY AMA IILKA GALEY

Cabdi iley ama iilka galey, waa erayo miisaan weyn leh oo dareen ku saleysan. Waa erayo ku beermay shucuur wadaninimo. Waa erayo ka soo go’aya uurka, kal iyo laab kasta oo caafimaad qabta, ama uu ku taamayo muwaadin walba oo u dhashay Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Soomaalidu meel kasta oo ay ka soo jeedo, ama DDSI ha u dhashaan, ama meelaha kaleba ha u dhasheene, waxay wada arkeysaa oo aan maanta ninna ka qarsooneyn horumarka baaxadda leh ee uu Deegaankiisa u horseeday Madaxweyne Mudane, Cabdi Maxamuud Cumar. Horumarkaasoo shucuubta Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa u dhashay DDSI ay aad ugu diirsadeen, hadday wadanka gudihiisa ku noolyihiin iyo haday Qobojoog yihiinba.

Waxyaabaha DDSI ku cusub ee ay labadii Soomaali ah ee isu timaadaaba hadal hayso, ee aadka loogu bogey laguna bogaadiyey, Madaxweyne CMC, waxaa ka mid ah, sida uu indhaha shacabka hortooda ula xisaabtamo Mas’uuliyiinta kale ee uu talada Dalka Hogaamiyaha ugu yahay.

Waxaa inbadan la arkaa, isagoo Madaxweyne Cabdi Maxamuud Shacabka hortooda kula xisaabyamaya Mas’uuliyiinta xilalka kala duwan ka haya Xafiisyada Dowladda. Kuwaasoo isugu jira Mas’uuliyiinta Xafiisyada heer Deegaan iyo heer Gobolba.

Waxyaabaha uu caanka ku yahay Madaxweyne Cabdi Maxamuud ee aadka luugu bogaadiyo aadna u soo jiita quluubta Muwaadiniinta Dowlad Deegaanka Somaalida Itoobiya, waxaa ka mid ah sida cilmiyeysan ee uu ugu dadaalo, ka midho dhalinta Qorshayaasha Miisaaniyadeed ee sanad walba loo qoondeeyo Mashaariicda horumarineed ee dhankastaba ah ee laga hirgalinayo Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Waxay Shacabka DDSI joobjoog u noqdaan, iyagoo idhahooda ku arkaya, dhagahoodana ku maqlaya, Madaxweyne Cabdi Iley oo Mas’uul kasta oo Shacabka Xil u haya weydiinaya:

Qorshayaashii uu Mas’uulka ka ahaa, ka midho dhalintooda iyo Mashaariicdii uu u xilsaarnaa hirgalintooda, waxa uga qabsoomay. Waxa aan uga qabsoomin. Sababaha ay u qabsoomi waayeen. Iyo waxa markaa xal ah ee lagu suura galin karo ka midho dhalinta qorshayaasha ama lagu gaadhi karo meesha la hiigsanayo.

In badan waxaynu aragnaa, qiimeyn iyo laxisaabtankaa faraha badan ee aynu markhaatiga ka nahay kadib, in uu Madaxweynuhu isku dayo in uu xal ama dawo u helo dhaliilaha iyo habacsanaanta kasoo ifbaxa Masu’uuliyiinta qaarkood oo markaa ku guuldareysta ka midho dhalinta qorshayaal sanadeedka xafiisyada ay u xil saaranyihiin ama gudasho li’da waajibaadka saaran ee ay shacabku u hayaan.

Fashilka ku yimaada Mas’uuliyiinta Xafiisyada qaarkood, waxay Madaxweyne CMC ku kaliftaa in uu qaato go’aamo ad-adag iyo talaabooyin uu markaa kaga hortagayo wax dib u dhac ah oo ku yimaada qorshayaasha horumarineed ka midho dhalintooda, amaba keeni kara Miisaaniyadaha Maaliyedeed ee loo qoondeeyey Mashaariicda horumarka oo aan sidii loogu talagalay loo adeegsan ama aan laba adeegsan oo dib loogu celiyo Miisaaniyad sanadeedka kale ee ku xiga,  sidii dhici jirtey Maamuladii kan ka horeeyey.

Dowladihii ka horeeyey ta manta ka arimisa Deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxaa dhagaha Shacabka marba ku soo dhici jirey, warar lagu dhaliilayo Dowladahaa oo ay ku sigan jireen ama loogu hanjabi jirey, in Maamulka dib loogu celin doono gacanta Dowladda Dhexe ee Federaalka Itoobiya.

Hadaba si uu Madaxweyne CMC uga hortago fashil loo maaro waayo amaba soo noq-noqda, kaasoo wax yeeli kara habsami u socodka jiritaanka Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, haday tahay xag Nabadgalyo, Bulsho, Dhaqaale ama horumarka dhankastaba ah ayaa waxa uu qaatay go’aamo adag oo aad wada ogtihiin oo uu Mas’uuliyiinta qaarkood kaga nasiyey Adeegii iyo Xilalkii ay Shacabka u hayeen.

“Baadida nin baa kula dey-dayi daalna kaa badane, aseen doonaheyn daa’in inaad heshaaye, dadkuna idin moodi duul wada dhashoon wax u dahsooneyne.”

Talaabadaa wadanigu ku diirsaday ee uu qaaday Madaxweyne Cabdi Iley ee uu ku badbaadineyey Dadkiisa iyo horumarka Dalkiisaba ayey ka xumaadeen koox yar oo ay ka mid yihiin kuwo ka soo jeeda qowmiyado kale oo dabada ka riixaya kuwo u dhashay DDSI oo isugu jira Mas’uuliyiin xilal kala duwan ka hayey Dowlad Deegaanka iyo kuwo aan wax xil ah waqtigan la joogo aan ka haynin Dowlad Deegaanka.

Waxay durbadiiba bilaabeen inay adeegsadaan ficilooyin guracan oo ay ka mid yihiin in ay si khaldan u turjumaan tallaabooyinka uu Madaxweyne Cadi Maxamuud kaga hortagayo Fashilkooda iyo Xil gudosho li’idooda.

Waxay isla markiiba sameysteen shabakada degaanka.com oo ay ka baahiyaan been abuur iyo warar aan sal iyo raad toona lahayn oo ay ku jaha wareerinayaan Shacabka Deegaanka iyo Qurbojoogtaba.

Waxa aynu lawada soconaa oon cidna ka dahsooneyn heerka uu marayey dhan kasta oo laga eegaba Deegaanku iyo halka uu manta taaganyahay intuu Hogaanka hayey Mudane, Cabdi Maxamuud.

Waxaa kale oynu ognahay Xidhiidhka ka dhaxeeyey Qurbojoogta Deegaanka u dhalatay iyo Deegaankoodu halkuu shalay taagnaa, wixii ka horeeyey Dowladda maata ka arimisa DDSI.

Aniga oo soo koobaya waxay kooxdani iyagoo adeegsanaya shabakadan degaanka.com ay shacabka dibadda iyo gudahaba ku afuufeen been abuur aan sal iyo raad toona lahayn. Waxyaabaha ay faafinayeen oo isugu jirey Been, Dacaayad, Cay iyo Habaarba waxaa ka mid ah:

  • Dowladda dhexaa nala socota oo bari baanu shir qabaneynaa aanu Cabdi iley Xilka kaga xayuubineyno.
  • Wafdi baa la sugayaa goobjoog noqonaya oo saadanbe imanaya, markaasaanu Cabdi Iley Xilka ka qaadeynaa.
  • Cabdi iley baa shirkii hortaaganoo, saakuunbaa adis-ababa looga yeedhay oo lagu xidhi doonaa.
  • Generaal hebal baa na hortaagane, biyo umaanaan kabaneen.
  • Kuwii markii hore dhabarka naga taabtey baa loo hanjabey, oo baqay.

Been abuurkaa iyo kuwo kale oonan halkan ku soo koobi kareynin ayey Shacabka koxdan Majaajileystayaasha ah een Caqliga iyo Siyaasada toona ka bisleyni ku afuufayaan Shacabka dibad iyo gudahaba iyagoo adeegsanaya shabakadan degaanka.com

Kooxdan Shacabku u heysteen Siyaasiyiinta use dhurtay Majaajiliistayaasha ayaa waxay raganimo moodeen oy Siyaasadoodii oo dhami kusoo uruurtey inay ka war sheekoodaan, dacaayadeeyaana Madaxweynahooda. Taasi waxay dhalisay in laga maadsado marka ay la joogaan Hogaanka Dowladda Dhexe ee Itoobita.

Ninkaad kabo ka tolaneyso, kabihiisaa la eegaa. Waxaa u cadaatay Siyaasiyiintii waaweyneyd ee Itoobiya in Kooxdani aaney Siyaasad waxba ka ogeyn laakiinse ay ku sifoobayaan majaajiliistayaal, marka la eego hab dhaqankooda amaba biseylka garaadkooda siyaasadeed, oo marar badan oo la weydiiyey dacaayadaha ay ka baafinayaan Madaxweynahooda, waxa ay hada ka hor ay u soo sheegi waayeen.

Waxaa aad loogu qoslaa marka ay ku jawaabaan: Waan ka baqeynay.

Marka la weydiiyo, maxaad hadaba uga baqi weydeen: ayey ku jawaabaan, Soo idinku nugumeydaan odhan ha ka baqina. Markaasaa la iswada eegaa, oo Mas’uuliyiinta qaarkood, yidhaahdaan: These are Comedians oo macnaheedu yahay war kuwani waa Majaajiliistayaal, ee Madaxweyne Cabdi Xaal ha laga siiyo.

Siyaasiyiin badan oo ruug cadaa ah, ayaa waxaa laga hayaa: Waxaa wax laga yaq-yaqsoodo ah shabakada degaanka.com oo ay Kooxdan Majaajiliistayaasha ahi adeegsadaan oo aan war kale iyo aduunyo kale oo ay wax ka qoraani aaney jirin. Waxa ay qoraani waa Been abuur iyo dacaayado raqiis ah: Madaxweyne Cabdi iley baa baxsanaya. CMC baa waashay. CMC baa xilka laga qaadayaa. CMC———CMC——-iyo CMC!!!!!!!!!!!!!! U fiirsada Mowduuc aan Cabdi Iley ahayn ma qoraan.

Waxyaabaha ay ku fashilmeen Majaajiliistayaashu iyo shabakadooda degaanka.com waxaa ka mid ah soo xaditaanka ay soo xadeen Sawir Gacmeedyo uu Xuquuqdooda leeyahay Farshaxanka Soomaaliyeed ee amiin Caamir.

Xatooyada Sawir Gacmeedyadaasi waxay soo dedejisey qanac laga qanco Koodan oo dadka qaarkii ay ku baraarugeen oy ogaadeen in waxii ay war iyo sawir iyo been abuur ay ku afuufayeen inay la mid ahaayeen beentan ay ka sameynayaan Sawir Gacmeedyadan.

Waa kuwan Sawiradii asalka ahaa ee hoos ka daawo:

(Sawiradani waa kuwa soo dedejiyey in laga quusto oo wax danbe oy qoraan laga rumeysan deegaanka.com, xatooyo lagugu cadeeyo waa fadeexad.

Falkan ay ku kaceen, oon anigu aaminsanahay in aaney fahamsaneyn, waa fal ka caagan saxaafadda.

Degaanka.com iyo Majaaliliistayaasha is leh waxay jaahil ka yihiin Xuquuqda lahaansha qoraalada iyo sawirada. Waa shabakadii ugu horeysay ee xadda, dadkana been uga sheegta wax keydka ku jira iyo been laga daba tagi karo)

Sawirgacmeedyadani waa kuwo uu Farshaxanku ku sifeynayo marxalado kala duwan oo ku saabsan Siyaasadaha ka jira Dalka aynu Walaalaha nahay ee Soomaaliya.

il1il2il3

Dad yar oo ay fooftan habaabiyeen markii hore, ayaa hadda yaqiinsadey waxa ay yihiin iyo iney ku sifoobeen Majaaliliistayaal.

Bulshada u dhalatey Deegaanka Soomaalida Itoobiya, qaybaheeda kala duwan ee Dalka gudihiisa iyo Qurbahaba ku nool ee markhaatiga ka ah Dadaalka wadaninimo iyo horumarka dhan kastaba ah ee uu Deegaanka u horseeday Madaxweyne Mudane, Cabdi Maxamuud Cumar.

Bulshadu markey xasuustaan Dhabaatadii, Nabadgalyo xumadii iyo dib u dhicii iyo rafaadkii iyo horumarla’aantii soo martey.

Bulshadu markay yaqiinsadeen haday (ilaaheyba ma tusee) Cabdi iley waayaanba iney iilka wada galayaan.

Bulshadu markey arkeen, maqleen, dareemeen Beenta, Tuugada, Dacaayadda, Habaarka iyo Basaasidda ay Kooxdan iyo degaanka.com isu bahaysteen,  aakhirkiina iyaga u soo jiidey in lagu tilmaamo Majaajiliistayaal, ayaa hadda ka aad arimaha Deegaankooda ka wareysataaba uu hadal kuugu soo koobayaa:

War shib iga dheh,  Dhado roob noqonweydaye.

Cabdi Iley  Ama  Iilka Galey.

Wabillaahi Towfiiq

W/Q: Abduljabar Sh. Dahir
ajd13@live.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid