Faallo: Farmaajo oo siyaasaddii arrimaha dibedda ka raray Geeska Afrika

Socdaalkii madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku tagay dalka Sacuudiga ayaa astaan u noqday is-beddel weyn oo ku yimid siyaasaddii arrimaha dibedda Soomaaliya, oo u muuqata inay ka guurtay Geeska Afrika.

“Safarkii madaxweynaha ee Sacuudiga wuxuu jebiyey dhaqankii madaxda Soomaalida ee ahaa in safarkooda ugu horreeya ay ku tagaan Ethiopia, oo dad badan ay ugu yeeraan Makkada madaxda Soomaalida” waxaa sidaas wakaaladda wararka AP u sheegay Maxamed Sheekh cabdi oo ah fallanqeeya siyaasasadeed oo Muqdisho ku sugan.

“Tani waxa ay astaan u tahay in madaxweynaha cusub ee Soomaaliya uu doorbidayo inuu xulufyesi la yeesho dalalka Carabta, si ka badan dalalka kale”.

Soomaaliya ayaa durba u muuqatay hadda dal Carbeed, ayada madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu kusoo kordhiyay barta madaxtooyada Soomaaliya ee Twitter in lagu qoro luuqadda Carabiga.

Shaki kuma jiro in dalalka deriska ah ee Soomaaliya, sida Ethiopia iyo Kenya ay cadow yihiin oo ay tahay in madaxweynaha oo si diblomaasiyadeed isaga ilaaliyo, ulana macaamilo, laakiin su’aashu waxay tahay Carabtu beddel ma noqon karaan.

Xusuusnow, 25 sano ka badan ayey Soomaaliya dhibaato ka taagneyd. Dalalka Carabtana weligood uma soo gurman. Xitaa abaaraha dalka ka jira, iyo kuwii horey u dhacay gargaar uma fadin, marka laga reebo ballan-qaad afka ah.

Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa siyaasadda Soomaaliya soo faro-geliyey wixii ka dambeeyey markii Turkiga ay billaabeen caawimaadda Soomaaliya, ayaga oo ka cabsi qaba in Soomaaliya ay noqoto dal isku filan, halisna ku noqon kara dhaqaalahooda, sababo la xiriira halka Soomaaliya ay ku taallo oo ka muhiimsna darteed.

Qofka Soomaaliga ah si wanaagsan kuma joogi karo Sacuudiga iyo dallalka Carbeed, oo waa lasoo tarxiilayaa, marka sidee dalal aan wax xushmad bani aadannnimo iyo mid Islaamnimo u hayn Soomaalida, ee durba u noqon karaan saaxiib wanaagsan?

Dalalka Carabta, gaar ahaan Imaraadka iyo Sacuudiga waxay dadaal kasta u marayaan sidii Turkiga looga saari lahaa Soomaaliya, arrintaas oo marar badan laga digay.

Soomaaliya waa inay danteeda ka fakartaa, oo aysan noqon dal inta ka baxa jeebka cadow, haddana gala midka cadow kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com