Faallo: Hasha Geela iyadaa cunaysa iyadaana cabaadaysa

Faaladaan kooban waxay uga soo maaxatay ama aan qalinka u qaatay markii aan arkay sida reer galbeedka ay maalmahan uga qeylinyay dadka magangalyo doonka ah ee ku soo firxaday wadamada reer galbeedka gaar ahaan Yurub.

Shantii sano ee u danbaysay waxaa soo batay dadka magangalyo doonka ah ee Ka soo cararaya wadamadooda sababo la xariira dhibaatooyin badan oo ka jira wadamada ay ka soo cararayaan magagalyo doonku. Mahmaahda soomaalida inta badan ku salaysan reer Guuraaga ayaa sabatay inaan mahmaahdan aan cinwaan uga dhigo maqaalka intii aan si fican u fahansaneyn mahmaahdaan ayaan rabaa inaan u balaariyo.

Hasha geela iyadaa marka hora qaninaysa markii iyada laqaniino waa cabaadaa saas ayay ku timid hasha geela iyadaa cunaysa iyadaana cabaadaysa oo qeylinasa,marka wadamada reer yurub ama reer galbeedka,iyagaa dalal degan ku duulaya oo faragalin maletari iyo mid siyaasadeed ku samayanaya dalal degan kadibna dadkii ayaa ka soo qaxaya,markaas kadiba reer galbeedka ayaa qeylinaya oo cabaadaya oo dhahaya dadbadan ayaa soo galay wadamadeena oo dhib dhagu hayo Maalmihii u danbeeyay saxaafada caalamka ayaa aad uga hadlaysay dhibka dadka magangalyo doonka,waxaana arinkaas uu ajandaha ugu sareeya ka noqday shirkii madaxda yurub ee 25 bishan ka dhacay Magaalada Brussels.

Wadmada reer yurub ayaa aad uga yaaban daadka qaxootiga ah ee ku soo jabay kuwaaso ka soo degaya xeebaha talyaaniga,waxaana wadamadaas qaxootiga ay ka imaanayaan ka mida Suuriya,Soomaaliya ,Suudan,afganistaan,Ciraaq,libiya Masar Eretiriya iyo Itoobiya Inta badan Wadamadaas waxaa faraglin ku haya wadamada reer galbeedka waxaana wadamadaas si tuus ah iyo si dadban u faragaliyay reer galbeedka.

Suuriya waxa hada ka socda waxaa kaalin weyn ka gaystay reer galbeedka oo aad u taageera mucaaradka dagaalamaya,liibiya weerer tuus ah ayay ku qaadeen Afganistaan sidoo kale,Ciraaq sidoo kale,soomaaliya Sidoo kale Eriteriya waxay ku hayaan cunaqabateyn siyaasadeed sidoo kale suudaan faraha ayay kula jiraan intaas oo wadan oo dadku ka soo carayaan iyagaa faraha kula jira Marka in dadka Guryahooda laga soo qaxiyo kadibna laga cabaado waa hasha Geela iyadaa cunaysa iyadaana Cabaadaysa,marka waa in la ogaadaa in dadkaan aysan iska soo carareyn balse ay jiraan daruufo adag oo kaalin muhiima ay ka ciyaarayso siyaasadaha reer galbeedka ay wadamadaas kalu dhaqmayaan ayaa sababaysa in dadkaan ay soo qaxaan.

Reer galbeedka oo awal sanadahaan danbe la daala dhacayay Dhaqaala xumida soo wajahday wadamadaas,ayaa hadana waxaa ugu darsamay dhibaatooyinka dadka magangalyo doonka ah Laga soo bilaabo geeska afrika ilaa bartamaha qaarada yurub ku sii xiji laga bilaabo jasiiradaha indonesiya ilaa bartamaha Ustaraliya ku sii dar laga soo bilaabo afrika ilaa xaduudka maraykanka iyo Mexcio magangalyo doonku waxuu noqday mid aad u socda,iyadoo laga qeylinayo xowliga xad dhaafka ah ee sii kordhaya taasoo soo jiidatay indhah caalamka.

Hadaba waxaa haboon in reer galbeedka inay ka fekeraan in dadku inta uusan soo qaxin ay marka hore ay wadamada ay ka imaanayaan ay kula dhaqmaan siyaasad furfuran Waxay dhaqaatiirtu tiraa cudurka in la daweeye waxaa ka sahlan in marka hore laga hortago.

W/Q :Bile G. Ahmed
bilebeeri@gmail.com
Rotterdam, Netherlands

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online