FAALLO: Puntland “Boqortooyadii Bisadaha” miyaa!!!?

Siyaasi weyn oo rer Puntland ah ayaa hore u sheegay inay degaankaas ka jirto wax uu ugu yeeray Boqortooyada Bisadaha “Cats Kingdom”. Taasoo buu yiri markuu curriga weyni keligi laf haysto curiyada yar yari inay agtiisa yaaw-da guraan maahee intaa umasoo dhaafaan, bisadaha kalena iyaga bal warkoodba daa.

Waxa taa ka dhigan, Puntland maalinba ninkii ka madaxa ayaa curri ka ah, dastuurka iyo shuruucda dalkuna waa isaga. Cid kastoo mucaaradana codkeedu sidii yaaw-dii bisadaha, madaxweyne waan ku aragnaa ma dhaafsana. Bal eega sida hawlyarida ah ee madaxweyne Faroole usii wato feenashada laftiisa mucaarad ku sheegiina yaaw-diisii usii tabardhigtay.

Ujeedkaygu maaha inaan Faroole u hambalyeeyo ama mucaaradka Punland guubaabiyo. Balse markii wax kaleba meel layska dhigo, waxan ka aamusi kari waayey sida ay u shiiqeen iyo halka ay ku dambeyeen dadaaladii uu Jen. Cadde Muuse ugu kala dab qaadayey dhinacyadii u muuqday inay isku hayeen siyaasada Puntland.

Abaare bartamihii bishii December 2012 ayay ahayd markii uu ka soo degay Bosaso Jen. Cade, oo ah madaxweynihii keli ahaa ee soo mara Puntland oo isagu ka xishooday inuu kororsado mudada xilkiisa, bulshaduna ku qadariso ilaa hada. Imaatinkiisu wuxuu yididiilo geliyay muwaadin kasta oo soomaaliyeed oo ay damqaysay khatarta kasoo fool leh isqabqabsiga kasoo yeerayey Puntland oo ka mida meelaha tirada yar ee Somalia xasilooni ka jirto. Durba wuxuu Bosaso kula kulmay madaxweyne Faroole, dabeedna mucaarad ku sheegii iyo waxgarad kaloo badan ayuu shirar kula qaatay Qardho, Garowe iyo Galkacyo. Ugu dambayntiina wuxuu isagoo afka gacanta saaray dib ugu guryo noqday magaalo xeebeeda Bosaso oo uu kasoo socod bilaabay. Halkii laga sugayay warbixin wixi uu kala kulmay dhinacyada u muuqday inay is hayaana wuxuu siyaasiga weyn ee ruug cadaaga ahi taa ka door biday inuu ka gaabsado ka hadalka siyaasada Punland.

Waxay dad badani aamuska Jen. Cade ku macneeyeen inuu ugu dambayntii u hogaansamay xeerkii “Boqortooyada Bisadaha”. Qaar kalena waxay u arkeen inuu ku qancay inaan waqtiga haray oo yar darti waxba laga qaban karin xaaladaha taagnaa. Dar kalena waxay weli ka dhursugayaan mucjiso uu madaxweynihii hore sidii ushii nebi Muuse mar qura xaqa iyo baadilka ku kala saari doono.

Si kastaba ha ahaatee, qolyihii iyagu mucaarad baan nahay ku doodi jiray qudhoodii waxay 8dii January ka dib u qaybsameen nin dhoofay nin dhuuntiyo nin dhabarka u goday xeerkii Boqorooyada Bisadaha. Nabadoonkii ugu mawqifka adkaa Mudug, Yasin Cabdisamad oo mucaaradnimo darted xabsiga loo dhigay, warsaxaafadeed  uu qabtay 8dii January wuxu ku yiri: “Faroole iyo wiilashiisa aynu boqortooyo u caleema saarno illayn isma haysan karno weligeene”.

Hadaba dabagal lagu sameeyay waxa aamusiyay ergaygii nabadaynta Puntland, isla markaana makarafoonkii mucaarado la moodka dabka ka bakhtiiyey ayaa hada lagu ogaaday in inta badan bulshada Puntland oo uu u horreeyo Jan. Cade iyo mucaaradka qaarkiba, ay hala rooro run moodeen.

Taariikhda markaan dib u yar milicsano Faroole waa tuu ragii huwanaa shaatiga mucaaradada la heshiiyay horraantii ansaxinta dastuurka cusub ee Puntland. Waa tuu horjoogihii mucaaradka Mudug, wasiirkii hore ee maaliyada Puntland Maxamed Cali Yusuf Gaagaab uu goobjooge ka noqday shirweynihii lagu ansixiyay dastuurka 5ta sano u jideeyay Faroole. Halka uu horjoogihii mucaaradka Bari wasiirkii hore ee amniga Puntland Jen. C/llahi Sicid Samatar uu door biday inuu dibeda u dhoofo heshiiskii ka dib, isagoo ka cududaartay goobjoognimada shirweynaha.

Dhowr bilood ka dib ayay labada nin iyagoo ku andacoonaya inay weli mucaarad yihiin, waxna iska bedelin mawqifkoodii ay ku diidanaayeen xil kororsiga Faroole kasoo laabteen safarkoodii dibeda. Nasiib darro waxay labaduba ku kala fariisteen kuraastoodii hore ee horjooganimada mucaaradka Mudug iyo Bari, iyadoon cidina kaga hor iman khiyaamadii ay sameeyeen. Xataa siyaasiyiintii kale oo ay mucaaradnimada isla sheeganayeen isma weydiin muxuu noqon karaa qandaraaska kale ee nimankani Faroole lasoo galeen haduu kii hore dhamaaday?  Taas bedelkeed gacan yarayaashoodii xalay dhalay iyo xeerkii “Boqortooyada Bisadaha” ayay dhanna u dhaafi waayeen. Isla markiina waxay dhankooda kala tumeen durbaankii mucaaradada oo ushii lagu tumi lahaa mar hore Faroole nimankani gudoonsiiyeen. Sidaa darted ayaa durbaanka mucaarado ku sheega diryankiisu bulshada badankeed u daari waayay.

Jen. Cade Muuse-na safarkiisii xaqiiqa raadiska wuxuu kusoo ogaaday inaan mucaarado dhab ah oo ka horjeeda qorshaha Faroole aysan jirin. Haday jiri lahaydna in Faroole mar hore madaxa kaga taagay rag magaceeda ku qaraabanaya isagana u maalinaya si aanay meesha usoo gelin mucaarado dhab ahi. Sidaa darted ayaa jananku ka maskab jabay sida saaxiibadiisii hore ee siyaasada Puntland simsaaro isugu bedeleen, isla markaana arkay haba qalloocnaado kororsiga Faroolee inaanu qatartii la moodayay inay kasoo fool leedahay isku dhaca labada dhinac meesha ku jirin, dabeedna isagoo xushmaynaya xeerka “Boqortooyada Bisadaha” ayuu bustihiisa hoos galay.

Hase yeeshee Faroole siduu ugu guulaystay inuu bulshada rer Puntland ugu hodo mucaarado aan dhab ahayn ee isagu gacantiisa ku sameeyay, ayuu la damacsan yahay inuu mustaqbalkana ku dago xisbiyada magac u yaalka ah ee uu isagu meel kasta kaga dhawaaqay, rag Gaagaab iyo Samatar oo kale ahna madax uga dhigay.

Waxay taasi soo bixi doontaa markay qabsoonto doorashada golayaasha degaanada oo uu Faroole u asteeyay bisha May ee fooda inagu soo haysa. Taasoo ay ku tartami doonaan sida la shaaciyey 6 xisbi oo kulligood xisbigiisa Horseed ka farcamay ayna ansixiyeen gudigiisa doorashada ee gacan ku rimiska ah. Waxayna siyaasadiisu mira dhal u noqon doontaa markay sannad ka dib 3da xisbi oo uu 6daas ka doorto jilida riwaayada xisbiyada badan kusoo bandhigaan doorashada 8da January 2014 sida isaga u qorshaysan. Xilligaasoo rer Puntland sidii caadada u ahayd iyagoo xeerinaya dhaqankii “Boqortooyada Bisadaha” ay dimoqraadiyada Faroole sida la filayo mahadin doonaan.

Hadaba su’aashu waxay tahay madax qarsiga cade iyo waxgaradka kale ee Puntland immisa in le’eg ayay xeerinta dhaqanka “Boqortooyada Bisadaha” ku daba joogi doonaan macangagnimada Faroole, gudiga uu magacawday, xisbiyo macna belay iyo mucaarad marin habaabay  inay masiirkooda go’aamiyaan?.  Jawaabta su’aashaas waxan u daayey bulshada rer Puntland!!! 

W/Q: Ahmed Warsame

awrsame@live.com

London, UK

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan