Faallo: Sahankii dadka ee Satellite-ka, maxaa tirakoob dad looga dhigaa?

Markaad booqato websiteyada safaaradaha reer yurub ee somalia ku sugan qaar ka mid ah, waxaa ku jira qiimenytii sahanka dadka ee soomaaliya (Population Estimation Survey (PESS) 2013-2014) ay sameeyeen shirkado qandaraas-gaad ah iyo wasaaradii qorsheynta ee Somalia oo bixisay ogolaanshaha iyo saxiixa ku dhawaaqida sahankii settelite-ka. sahankaasi waxa uu sheegay in dadka Soomaaliyeed ee ku nool 18-ka gobol ee Soomaaliya ay yihiin 12.3 malyuun oo qof, Iyadoo loo kala saaray inta barakacayaal ah, inta reer guuraa ah ah iyo inta deegaan rasmi ah:

Wasiiraddii ku lugta lahaa sahankaas waxa ay caddeeyeen in uunan ahayn xaqiiq, balse uu yahay qiyaas kaliya aan lagu saleyn doonin arrimo rasmi ah. Aqoon yahan badan ayaa waagaas welwel ka muujiyey, kaas oo ah in uu sahankaan meeshii uu faa’ido keeni lahaa, khasaare iyo dhib kale u horseedi karo dalka iyo dadka.

Hadaba, Maxaa is badalay?

Xog laga helaayo IGAD, AU, UN, UNSOM iyo safaaradaha qaar ayaa aaminsan in sahankaas loo isticmaali doono wax aan ahayn wixii loo maleynaayey, website-yada safarada qaarna si cad ayey ugu xusan tahay. Hadaba, maxaa loo isticmaali doonaa sahankaas mala’awaalka ah ee loo badalay inuu yahay Tirakoobka dadka. Waxa ay leeyihiin in loo isticmaali karo:

  • Ogaanshaha Xoogaha awooda shaqaalaha gobol kasta
  • Jaangoynta adeegyada bulshada ee asaasiga u ah gobolada ( qeybinta kaalmada)
  • in lagu saleeyo nidaamyada dhaqdhaqaaqa iyo socdaalka
  • in xogtaas aas aas looga dhigo doorashada soo socota ee dalka ( qeybinta tirada Golaha baarlamaanka soo socda)
  • In loo isticmaalo xaaladaha degdegga ah iyo mid bani’aadamnimo.
  • In lagu ogaado gobol kasta kheyraadka uu leeyahay
  • In sahanada mustaqbalka uu sal dhig u ahaado.

Caalamka kama dhacdo in sahan dad (Population Survey), lagu saleeyo arimo doorasho iyo qoondeynta kheyraad toona. Sahankii soomaaliya waxaa lagu sawiray settelite. Waxaana la qiimeeyey dhismooyinka, baaxadda dhulka, xoolaha, beeraha, iyada oo la qiyaasayo inta qof ee ku noolaan karta kiiloo titir kastaba. Tusaale; Dhismahaan weyn imisa qofood ayaa ku noolaan kara? iwm. Caalamka kama dhacdo in sahan noocaas ah la tixraaco laguna tilmaamo inuu yahay tirakoob dad (National population statistics). Kaliya sahanka noocaas ah waxaa loo isticmaalaa xaaladaha degdegga ah, Sida qiimeynta abaaraha, dhul gariiryada, fatahaadaha, barakaca degdegga ah, iwm, bal si loo qiyaaso tirada dadka ay xaalad lasoo daristay  (Estimating population size in emergencies).

Wadamada aduunka waa ay sameeyaan Sahanka dadka (Population Estimation Survey) iyo tirakoobka dadka (National population statistics) labadaba, waxa ayna u isticmaalaan ujeedooyin kala duwan.  Marka loo baahan yahay in la qiimeeyo tirada rasmiga ah ee dalka ku nool waxaa la ictimaalaa tirin rasmi ah, iyada oo xog rasmi ah ayaa la soo uruurinaayo. maadaama ay u baahan tahay  kharash aad u badan, wadamadda aduunka waxa ay sameeyeeyaan inta badan 5tii sano ama 10 kii sano mar. laakiinse sahanka dadka ( population Survey) waxaa loo isticmaalaa arimaha degdega ah ee aan kor kusoo shaagay.

La yaabka ayaa ah in miisaaniyadda dalka ee 2017 si aan isku mid ahayn loogu qeybiyo goboladda dalka iyada oo aynan muuqan sababta lagu saleeyey. Ma tirada dadka baa? Ma maamul wanaaga baa? Ma dakhliga ka soo xaroodo ayaa kala badan? Ma sahankii mala’awaalka ahaa ayaa Tirakoob rasmi ah loo badalay, kadibna lagu saleeyey qeybinta kaalmada iyo miisaaniyadda dalka?.

Hadanba, hadii ay dhacdo in sahankaan mala’awaalka ah doorashada dalka 2020-ka lagu saleeyo, oo ay rumowdo sida ku xusan xogaha safaaradaha shisheeye ee dalka iyo urur goboleedyada.  Sheekadu waxa ay noqondoontaa Sahankii tirakoobka isku badalay.

W/Q: Hassan Magan

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com