Faallo: Madaxweyne Farmaajo oo go’aamo lama filaan ah ka qaatay Shirkii Maamul Goboleedyada

Madaxweyne farmaajo ayaa markii ugu horraysay si faah faahsan uga hadlay shirkii Madaxda Maamul Goboleedyada ugu soo gaba gaboobay Magaalada Kismaayo.

War- Saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu si dhow ula socdo guuxa iyo walaaca ay ka qabaan qaar ka mid ah madaxda Maamul goboleedyadu dowladda dhexe ee Soomaaliya . Arrinkan ayaa dad badan oo falaanqeeya siyaasadda ay ku tilmaameen mid aan la filanayn, sababtoo ah waxa ay muujisay sida Madaxweynuhu diyaar ugu yaahy in uu ka dhagaysto Madaxda Maamul Goboleedyada cabashooyinka ay qabaan ee horay ay u sheegeen in la tixgalin waayey.

Dad badan ayaa filaayey in Dowladda Federaalka ah ay iska indho tiridoonto Shirka Kismaayo iyo qodobada kasoo baxay, balse taas badalkeeda Villa Somalia waxa ay ku baaqday in is afgarad lagu dhammeeyo arrimaha muranku ka taaganyahay iyadoo la ilaalinaayo hannaanka Federaalka ah ee dalka.

Sidoo kale waxaa  la sheegay in Madaxweynuhu uu qirsanyahay in ay jiri karaan khaladaad iyo isfahan darro ku aaddan wada shaqaynta Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada uuna diyaar u yahay in uu kaalintiisa odaynimo ka qaatay xallinta khilaafkaas.

Arrinka kaloo xiisaha leh ee lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada ayaa ah in madaxweynaha Soomaaliya  uusan ka kalsooni bixin madaxda dowladda goboleedyada ee maalmahaan ku shiraayey Kismaayo oo soo saaray qodobbo loo arkaayey in ay dhaawac ku yihiin dowladda dhexe iyo guud ahaan rajada umadda Soomaaliyeed.

Qodobada la xiriira Dastuurka ee Maamul Goboleedyadu ay ku eedeeyeen dowladda in ay hareer martay ayaa lagu soo hadal qaaday warsaxaafadeedka, waxaana la tilmaamay in Dowladda Federaalka ah ay diyaar u tahay in ay ku salayso wada xoojoodka ay la galeeyso maamul goboleedyada qodobadaas si loo caddeeyo awoodaha ay kala leeyihiin iyo cidda hareer marsan. Taas oo daawo u noqon karta khilaafka soo laa laabtay ee ka dhashay goaankii dowladda ee arrimaha Khaliijka.

Waxa aan sugnaaba waa sida ay Madaxda Dowlad goboleedyadu  u arkaan  Rajada uu muujiyey Madaxweyne Farmaajo ee ah in isfahan iyo is qancin lagu soo afjari doono Khilaafka u dhexeeya.

W/D; Cabdirisaaq Yuusuf Cawaale

Cawaale143@gmail.com