Faalo xiiso badan: Formaajow is ka FIIRI!

Ma kulanno, haddana waan wada joognaa mar walba. Midkeenba kan kale ayuu ku dhexjiraa, haddana ka baxsan yahay. Is ma naqaan ayaan filaa, in aan is naqaanna waa suuragal. Waxaa la i yiraa; ammin, goor ama milay, magacyo kalana waan leeyahay iyo kooro badan. Sidoo kale, waxaa jirta hawraarro, halqabsiyo iyo hadallo laygu dareensado, oo digniin, dardaaran iyo isugu jira duurxul.

Marka Formaajow is ka fiiri. Indhagashiga iyo baarka inta u dhaxaysa isaga fiiri sida caadada kuu ah, marka aad wax si fiiro leh u fiirinayso amaad u kuurgalayso. Waxaan ku siiyey fursad, in aad ka faa’iidaysatana adiga ayey kuu taal. Waxaad dhahdiin; maalin walba gariir cadde, geed kuu ma saarra! Si kale, kanshadu halmar ayey ku soo martaa.

MADAXNIMO mar waa magac, mar waa maamuus, mar waa muuq, mar waa milgo, mar waa mabda’, mar waa maamul maarayn, marar kalana waxyaabo kale ayey noqotaa. Intaa oo ka la jaad ah waxaa ka dhexeeya waa kaliya MADAXNIMADA. Marka Formaajow, MADAXNIMO heshaye, maxaad ku qaban? Aniga oo milayga ah ayaa dadka u marindoona, ka horse, aan ku siiyo qish dheeraad ah, oo aad ogtahay ama aadan ogayn. MADAXNIMADAADA waxaa mujoxaabinaya, oo maqaarka ka siibidoona arrimo dhawr ayna ugu muhimsanyihiin;

XAMAASAD iyo XAWAARE: xuurto, xiiqsanaan, orod, farandugleyn iyo afarqaadlayn siyaasad iyo maamul wax ku ma lahan, waxaana ka sii daran kadsoomid iyo kalsooni isa siin aan jirin.  Degdeg badan waa laga deyrshay, murti miisaan badan ayaa tiraahda, Durduro geelbaa ku jaba! Marna ha is ka dhaadhicin, in baarlamaanku ku wada rabay, marka uu codka ku siinayey, aadanna ku imaan laaluush badan iyo lacago dheeraad ah oo aad bixisay, adoon musuq la’aan xilka ku helin. Marna ha is moodsiin, in hannaanka dawladnimo ee jiray, aad ku badali karto afar wasaaradood iyo afar wareegto. Marna ha u qaadan taageeradii iyo bannaanbaxyadii xigtay doorashadaada, in ay sharciyad gaar ah ku siinayo, ee aad ku meelmari karto, maxaa yeelay, iyagu ku ma dooran, uba doorraanaawe. Xasuuso, in sidan oo kale loogu soo sacbiyey ciidankii awoodda marooqsaday, ee dalka u horseeday sida uu hadda yahay, in kasta oo aad taageero u hayso iyo hilow. Xasuuso, in jabhadaha hilib iyo haruub laga dabasiday taageero awgeed. Xasuuso, in wadaaddadii waallida waday, ee maxkamadaha ku sheegnaa, dalkana Xabashi soo galiyey, in taageero taada badan ay hasyteen, maantana dadka loo necebyahay wadaad iyo warkiisa. Xasuus, Xasan Sheekh, in lagu taageerow tilmaamaha adiga maanta lagugu taageeray, waxa lagugu doortayna ay ku jirtay nacaybkii loo qabay. Marka xasil, oo xamaaratada iyo diinka ka socodgaabi.

XIGTO: ma aha eed aad adigu leedahay, oo in aad ka dhalato, ma dooran, mana lagaa la tashan, balse, xigtaadu inta ay hallayso, ayaa ka xanuun iyo xumaan badnaa doonta inta aad adigu hallayso, waa sida anoo milay ah aan dhigayo. Laga yaabee, in aadan wax weyn ka qaban karin, haddana waa suuragal, in is ku dayo badan lagu heli karo yarayn iyo xakamayn.

Marka laga soo tago, in qof walba oo eed, dhaliil iyo xitaa dhaleeco aan loo meel dayin hadday rabtana af la gaaddo iyo caay wadata soo jeediya, in afka a goosanayo, een loogu boodayn, in uu aragti cabbiray haba qalloocnaatee, ee loo abbaarayo, in uusan waddani ahayn, qarannimo dan ka lahayn, qaa’nulwaddan yahay, boob iyo bililiqo ku nool yahay iwm.

Ogow, waxan dacarta ah, ee marna shaar qabiilka gashan, marna shaarka qarannimo gashan, waxay isugu tagayaan, in aan qofna eed laguu jeedinayo kaa celin karin, haddii kale, hadday awoodaan mar hore ayey madax kaaga dhigi lahaayeen, ee inta dib isugu laabtaan, adna dib ugu laabatid u sheeg oraahda ah; QOF XIL QAADAY, EED QAAD!

Waxa lagugu haysto waa eeddaa, ee eed la is ku eedo, miyaa la is ku diidaa? Mise, XIGTADU waxay u barteen 20gu’ ee ahaa; ama AFWEYNE AMMAAN, AMA AFGOOYE AAD! Hadda ma waxaa ku badali rabtaa; AMA FORMAAJO AMMAAN, AMA FARTAADA IYO FARUURYAHAAGA KA ADKAAW! Kaadso!

XAMAR: magaalo madaxda dalka in kasta oo ay noqotay deegaan la wada dagay, haddana, waxaa u badan beel gaar ah, oo aan cidna inkiri karin. Markii midnimo dhab ah jirtayna ay madax ka noqdeen dad bari iyo galbeed ka soo jeeda, doodna aa la gelin, haddase, oo la ka la tagay, qabiil walbaana deegaan gaar ah ootay, waxaad ogaataa Xamar beesha u badan haba ka la daadsanaatee, rabitaanka beelahaa kale ku jira ayaa jira. Taas waxaa ka sii muhimsan, in Xamar ay ku dulman tahay federaalka iyo awoodqaybsiga dalka beel ama deegaan mid uu ahaadaba, maxaa yeelay, in Puntland iyo Somaliland aqalka sare dheeraad sed lagu siiyo Xamarna lagu qadiyo xaq iyo xuquuq ma ahan, adoo waliba wasiirkii dastuurka (DALTUURKA) ka dhigtay ninkii shalay Xamar Dastuurka ka saaray!

XILDOON: ma xasuusataa markii aad kursiga waysay labo mar, marna aad iscasishay, marna aadanba ku sarin, ee aad Xamar ka tagtay maalintii la magacaabay ina adeerkaa Shirdoon, ee aad dibadaha maalin walba ka soo qaylinaysay, maanta waxaa jira dad sidaadii oo kale xildoon ah, oo wax walba ka hormarinaya xilka iyo xulashada. Haddaad adigu xilheshay, in ku la tartantay, in aad ka ballanqaadday, in beel ka socota, in beeso haysata, in dawladdo ay wataan, in baabkeeda baratay iyo in kale, oo wada balaqraadis ah ayaa baab iyo kuu taagan barrin wwalba, marka sidii aad u wada boqri leheed adaa lagaa rabaa. Adaa madax ehe maaree.

XOOLODOON: kuwan sare, ee xildoonka ah, waxaa lid ku ah kana soo horjeeda XOOLODOON, oo aan diin, dareen iyo dadnimo kale lahayn aan ka ahayn diinnaar, dollar iyo dahab aruursi. Wax deeqa, oo uurkooda, araggooda iyo afkoodu buuxsha ma jiraan aan ka ahayn beeso badan, boqollaal aan baaxad lahayn. Kuwani waa ka halis, hoog iyo halaag badan yihiin kuwa ka horreeya ee xildoonka ah, maxaa yeelay, hagardaamadooda ayaa ka weyn, oo hog iyo haadaan ka tuurkooda waxay u adeegsadaan is la xoolaha ay xaaraanta ku tabceen, halka kuwa kale, xarga is ku xirkoodu uu kaliya u egyahay xeelaad, ee aysan xoolo iyo xoog wehlin sida kuwan.

XULUFOXUMO/LA’AAN: sidii aad xornimo beenaadka iyo dawladda hafarta ah u hesheen, illaa maantadan waxaad ku noolshihiin xeeladxumo, xulufo la’aan, xisbi yari iyo xero maran ku oodnaan. 10kii gu’ ee xigay xornimada, siyaasaddiinna arrimaha dibadda waxay u dhaxaysay saddax gaashaanbuur ee dunida ka jirtay NATO, WAARSO iyo DAWLADAHA DHEXDHEXAADKA, oo aad dhammaantood, midba gu’yo dhawr ah ka tirnsanaydeen. Saw waalli ma ahan? Ma aragtixumo ma ahan? Saw xilkasnimo la’aan ma ahan? Sidii oo kale, ayaa idinka oo dagaal adag iyo dirir aguugan dhexda uga jira ayaan waxaad eriseen, aqlixumo awgeed, cududdii idiin dhistay askarta iyo agabka aad dagaalka ku gasheen. Wixii ka dhacay ka sheekayn u ma baahna, oo laga wad dharagsan, hadduu cashar idiin noqonayo.

Haddii dawladdii dhacday, ka ma aadnaan rayn, oo jabhaduhu Siyaad Barre cayriya ma ahane curin kale ma hayn, sidaas ayeyna caabuq horleh iyo dagaal sokeeye ugu riiqdeen, wixii ka dabamaray, in ay ka sii liiteen ma ahane ka ma rayn, sida wadaaddadii madaxa duubnaa iyo dawladdii Xasan Sheekh, oo wax kale is ka daaye ka gaabisay ballanqaadkii uu Turkigu idiinkugu deeqay, in uu gu’ idiin kugu dhisayo xarunta golaha shacabka! Yaa meel ku sheega?.

Ujeedka aan kuugu sadriyey sooyaalkan silloon iyo silica ah, waa in aadan ku sirmin qab aan jirin, qaarood maran, qolo aan jirin, qiil qalloocan, qasad xun, qalbi muran, qawl dilan, quwad maqan, qaab lagu qasaaray, qabiilayn la is ku nacayo iyo wax walba, oo kaa fogayn kara, in aad waaqica jira, xaqiiqada dhabta ah iyo la ma dhaafaanka aadan wax ku qadan.

XULUFOXUMO/LA’AAN waxay keentaa, in aad mar walba ahaato dilane liita ama aadanba tirsanayn, labaduna idiin kugu ma jirto, oo marxaladihii idin soo maray waa inaad wax ka barataan. Hadda shir ayaa madlan lagu qaban doono London, maxaa idiin diyaarsan oo aad la tagaysaa? Ka sokow, dawladaha dariska saluug iyo waxaa jira dib u gurasho, ee sidee iyo maxaa lagu qancin? Fadlan ka la garo gorgortan siyaasadeed iyo tanaasul.

 Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com