Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Madaxtooyada Somalia uu iminka kulan uga socdo Musharax Faarax Sheekh C/qaadir iyo Xildhibaano dhowr ah oo ka tirsan Baarlamaanka Somalia.
Faarax C/qaadir iyo Xildhibaanada ayaa la sheegayaa inay dhexda kasoo xirteen Hoolka Shirarka Villa Somalia, waxaana la soo sheegayaa in halkaasi go’aan looga gaari doono Doorashada xilka Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Faarax C/qaadir ayaa iminka la sheegayaa in khudbad gaaban uu u jeedinaayo Xildhibaanada waxana uuna ka dalbanayaa in codadka ay siiyaan.
Faarax C/qaadir ayaa sidoo kale, Xildhibaanada ka dalbanaaya inay kasbadaan kuwa kale si Kursigaasi uu gacanta ugu galo.
Xildhibaan Faarax ayaa waxaa kursiga kula loolamaaya ilaa 5 Musharax oo miisaan ku dhex leh Siyaasada kuwaa oo lasaadaalinaayo in codadka ay ku cariirin doonaan Faarax.
Dhinaca kale, Xildhibaanada uu iminka kulanka kula jiro Faarax C/qaadir, ayaan si dhaba loo ogeyn inay dhaqan galin doonaan Heshiiska Faarax C/qaadir iyo inkale.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com