Faarax C/qaadir oo arrin cajiiba xiligaani ka dhex wada Villa Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Madaxtooyada Somalia uu iminka kulan uga socdo Musharax Faarax Sheekh C/qaadir iyo Xildhibaano dhowr ah oo ka tirsan Baarlamaanka Somalia.

Faarax C/qaadir iyo Xildhibaanada ayaa la sheegayaa inay dhexda kasoo xirteen Hoolka Shirarka Villa Somalia, waxaana la soo sheegayaa in halkaasi go’aan looga gaari doono Doorashada xilka Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Faarax C/qaadir ayaa iminka la sheegayaa in khudbad gaaban uu u jeedinaayo Xildhibaanada waxana uuna ka dalbanayaa in codadka ay siiyaan.

Faarax C/qaadir ayaa sidoo kale, Xildhibaanada ka dalbanaaya inay kasbadaan kuwa kale si Kursigaasi uu gacanta ugu galo.

Xildhibaan Faarax ayaa waxaa kursiga kula loolamaaya ilaa 5 Musharax oo miisaan ku dhex leh Siyaasada kuwaa oo lasaadaalinaayo in codadka ay ku cariirin doonaan Faarax.

Dhinaca kale, Xildhibaanada uu iminka kulanka kula jiro Faarax C/qaadir, ayaan si dhaba loo ogeyn inay dhaqan galin doonaan Heshiiska Faarax C/qaadir iyo inkale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com