Faarax C/Qaadir oo si caadi ah u wata howshii W/Garsoorka & dastuurka DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir Faraax Sheekh C/qaadir oo shalay Isku-shaandheyntii Ra’isul-wasaaraha ku sameeyey Golaha Wasiiradda looga qaaday xilkii Wasiirka Garsoorka iyo Dastuurka, loona magacaabay Wasiirka Xannaanadda Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ayaa waxa uu maanta dhegaha ka fureystay Isku-shaandheyntaasi.

Wasiirka waxa uu maanta si caadi ah uga hawlgalayey Xafiiskiisa Wasaaradda Garsoorka iyo Dastuurka, isagoo maanta soo gebagebeeyey Tababar u socday 15 ka tirsan Shaqaalaha Wasaaradaasi.

Ilo-wareedyo ayaa sheegay inuu Wasiirku sheegay inuu fulinayo Amarkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ugu baaqay Wasiiradda inay sii wataan xilalkii ay horey ugu magacaabnaayeen.

Wasiir Faraax Sheekh C/qaadir ayaa ka mid ah Wasiiradda jaalka dhow la ah Madaxweynaha, isla markaana uu miisaan culus ku leeyahay Xukuumadda iyo Madaxtooyadda.

Dhinaca kale, Xaallad calawsanaan ayaa weli jirta, iyadoo uu Ra’isul-wasaare C/weli Sheekh Axmed maanta kulamo la lahaa La-taliyayaashiisa, gaar ahaan Khubaradda dhanka Sharciga, si ay Talooyin uga siiyaan Qaab-sharciyeedka uu ku tallaabsan doono, si uu u wajaho meel-marinta Isku-shaandheynta Golaha Wasiiradda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com