Fadeexad: Musharaxii la tartamayey Faarax Cabduqaadir oo kashifay arrin yaab iyo naxdin leh

Muqdisho; (Caasimadda Online) –  Musharaxii la tartami lahaa Faarax Cabduqaadir, Saaxibka gaarka ah ee Madaxweyne Xasan, ayaa shaaca ka qaaday sidii musuq maasuqa lahayd ee loogu caleema saaray xildhibaanimada aqalka hoose doorasho aanba lagula tartamin oo ka dhacdey magaalada Jowhar.

Cusmaan Shiikh Maxamed Qoox oo ahaa musharaxii kula tartami lahaa kursiga beesha reer Ow-Xasan ee laga hor istaagey inuu tartamo ayaa la yaab ku tilmaamey in Faarax loo aqoonsado Xildhibaan qaran, isaga oo ku tilmaamey qabqable qori u isticmaaley in banaanka laga geeyo hoolkii doorashada uguna hanjabey inuu dili doono.

Mr Qoox musharaxii looga shubtey codka ayaa sheegey in xaaladdiisa amni ay halis ku jirto oo haddii ay wax gaaraan uu sabab u yahey Faarax Cabduqaadir oo ugu hanjabey haddii uu saxaafadda la hadlo inuu dili doono.

Halkan ka aqriso bayaanka uu ku caddeeyey qaabkii ay wax u dhaceen ee musuq-maasuqa lahayd iyo sida loola dhaqmey:-

20161124_012101

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com