Fadeexad: Shirkad ay leeyihiin qoyska XASAN oo lacago loo dul saaray Visaha Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkad gaar ah oo uu wax ka leeyahay Cali Shiikh Maxamuud oo la dhashay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa la xaqiijiyay in ay dalka keensadeen warqado Visooyin ah oo lagu qasbay hay’adda socdaalka Soomaaliya inay isticmaalaan, oo ay iska daayaan kuwii hore loo isticmaali jiray.

Visooyinkaan cusub oo laga soo sameeyey dalka India ayaa bixintooda waxay bilaabatay 2 bil ka hor, iyada oo qf kasta oo wata baasaboor ajnabi ah loogu dhufanayo lagana qaadayo lacag gaaraysa 60 doolar, halka visihii hore uu ahaa 50 doolar oo kaliya.

warqadaha Visooyin loogu deeqay dowladda oo si bilaash ah ay ku siisay hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan ayaa gabi ahaanba la laalay, iyaga oo shaqalaha garoonka lagu wargaliyay oo looga gaday in mid ka casrisan kana qaalisan laga keeney dalka India oo ganacsato soomaaliyeed ay keeneen, sidaas darteedna ay tahay in 10 doolar oo dheeri ah lagu daro qiimihii hore oo ahaa 50 doolar.

Ganacsatadan uu hormuudka ka yahay Madaxweynaha walaalkiis Cali Shiikh Maxamuud ayaa dowladda u sheegay inaysan macquul ahayn in 10 doolar kaliya laga siiyo oo viisooyinka ay soo sameeyen ay yihiin kuwa qaali ah, qasabna ay tahay in loogu daro 8 doolar oo isku geyn ay halkii viiso oo la bixiyo ay ku yeeshaan 18 doolar, taasi oo Madaxweynaha uu ku qasbay inay aqbalaan laanta socdaalka iyo xafiiska xisaabiyaha guud, waxaana sidoo kale lagu amray inaysan daba galin magaca shirkadda soomaaliga ah ee lacagtaas la siiyo iyo dadka iska leh oo ay tahay howl madaxtooyada qaranka ay wax ka ogtahay.

Saraakiisha laanta socdaalka oo aan la xiriirney ayaa gabi ahaanba ka gaabsaday inay ka hadlaan, marka laga reebo shaqaalaha garoonka oo qaarkood ku dhiiraday inay nasoo gaarsiiyaan viisooyin la bixiyay iyo lacagihii laga qaaday dadka, waxaana sidoo kale arrintaan ka gaabsaday xafiiska xisaabiyaha guud ee garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Goor sii horeysey ayay ahayd markii shacabka lagu qasbay bas gaar ah oo ay leeyihiin dad qaraaba dhow la ah Madaxweynaha oo lagu raaco halkii marba 11 doolar, oo ay qasab tahay inaad kasoo raacdo numbar afar, taasi oo ka dhigaysa in shacabka oo awalba dhibana lagu sii qasbo bixinta lacago lagaba yaabo inaysan heli karin.

15135654_10211384986636131_88557584_n

risitka

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com