Fallanqeyn: Taliye Tuuryare: Halyey la xaqiray.!

Jen. Cabdiraxman Tuuryare howsha uu qabtay muddadi gaabneyd uu xilka NISA hayay waxaa arki kara ama dareemi kara qofka indhihiisa maahee qalbigiisu wax arko. Tuuryare wuxuu diyaariyay ciidan aad u tababaran uu ku abuuray geesinnimo kuna tallaalay wadan jeceyl, waana kuwa badbaadiyay dad badan oo halaag lala damacsanaa, haba ugu darrado qaraxii ugu dambeeyay ee ka dhacay beerta Nabadda iyo agagaarka Hotel SYL…ciidamadi NISA ee meesha ku dhintay hadeysan ahayn manta geerida wxay gaari lahayd in ka badan 300 oo ruux..laakin alxamdulillaah Alla ma qadirin,raggaasna waxay u hureen naftoodi.

Guulaha ay ciidamadu gaaraan waxaa laga abaalmariyaa laguna amaanaa taliyahooda oo ah qofka hogaamiya oo horjooga howlaha ay hayaan. Taliyeyaashi taariikhda galay waxay badanaaba soo bexeen dagalladi adduunka ka dhacay oo ay ciidamadoodu guul soo hooyeen..ma rabno inaan magacyadooda tixno maadaama dadku ay badi ka dheregsan yihiin. Guulihi uu gaaray Tuuryare waxaa markhaati ka ah horumar xowli dheer ku socda ee ka mouqda magaalada Muqdisho kaasoo dad badan oon jecleyn deganaanta Xamar ay ka shaqeynayaan sidi loo hakin lahaa ama loo burburin lahaa wax kasta oo wanaag u ah dadka iyo dalka.

Waxaa bilawday olole la rabo in Taliyaha NISA xilka laga qaado halkii lagu mahadin lahaa howsha uu qabtay iyo ciidanka uu diyaariyay.

Haddaba, dowladda maxaa la gudboon?

  1. In la dhiiri geliyo taliye Tuuryare si uu u laba laabo dadaalka uu haayo, loona qoondeeyo miisaaniyad xoog leh oo siyaabo kala duwan loo adeegsan karo.
  1. In la howl geliyo ciidan aad u tababaran oo lala kaashado dowladda kaliya ee daacadda noo ah ee Turkiga, loona diyaariyo dhaqaale soo jiita dad badan oo waxtar noqon kara, lana badiyo tirada ciidanka dhar-cadka oo loo ballanqaado helitaanka wixi howl fududeyn ah oon shaqada looga maarmin.
  1. In taliye Tuuryare la siiyo awood gaar ah uu wax uga qaban karo kuwa fitnada abuuraya oo dadka ku beeraya argagax, kalsooni darro, kana ganacsanaya shucuurta dadweynaha si ay u abuuraan rabshado iyo fatqalalo dalka ku baaha..in loo fasaxo inuu soo qabto cid alla cidii loo arko inay khatar ku tahay degganaanta dalka, wuxuu doono ha ahaadpo, maadaama uu dalku ku jiro xaalad deg-deg ah. Waa in xasaanada laga xayuubiyo dadka ay ka mid yihiin Cabdullahi Goodax, C/weli Gaas, Xaashi Jibrii,iyo qaar kale oo badan oo baarlamaanka iyo xukuumada ka mida. Waxaa kale oo iyagana ku jira kuwa ka hadla Tviyada, raadiyeyaasha iyo websiteyada qaarkood waana in lagu qaadaa dagaal aad u culus si dalkaan looga badbaadiyo burburka ay la damacsan yihiin.

XASUUS:

Waxaa naga xasuus ah falalkii argagaxiso ee ka dhacay waddamada adduunka ugu xooga badan sida Mareynkaka iyo Faransiiska haddaan qaar ka xusno. Faransa waxaa ka dhacay dhibaato aad u weyn bishi November 2015 kaddib markii ay argagaxiso ku duuleen theatre la yiraahdo Batclan iyo weliba makhaayado iyo suuq laga dukaameysto waxaa meesha ku dhintay dad lagu qiyaasay 130 ruux waxaana ku dhaawacmay 368 oo 90 ka mida uu dhaawacoodu aad u liitay. Waxaa ka horreeyay duulaanki lagu qaaday majallada Charles Hebdo oo lagu dilay 14 shaqaalaha wargeyska ahaa.

Mareykanka tii ugu dambeysay waxay ahayd duulaanki San Bernardino ka dhacay oo 14 ruux lagu dilay 22 qofna ku dhaawacmeen.MAXAY UGA HORTEGI WAAYEEN? Weliba iyagoo ah dalal horey u maray!!! Caqli iyo garaad lagu garto waxa dhacaya ma leenahay?

W/Q: Axmad Calasow

bashaar10@outlook.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com