Fannaan lagu la’aa nolol iyo Geeri oo Meydkiisa laga helay Isbitaal ku yaala Muqdisho (Sawirro)

Muqdisho (Caasimada Online)-Fannaankani da’da yar oo lagu magacaabo Axmed Qeys, ayaa kamid ahaa dadkii ku dhintay Qaraxii ka dhacay Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Marxuumka ah, ayaa maalmo lagu raadinaayay nolo iyo geeri, waxaana markii danbe Meydkiisa laga sheegay Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

Qoyska Marxuumka oo socdaal aan hakat laheyn maalmahaani ku maraayay Isbitaalada Muqdisho, ayaa waxaa markii danbe ay maamulka Isbitaal Madiina u xaqiijiyeen geerida wiilkooda Fannaanka ahaa ee la oran jiray ”Fannaan Axmed Qeys”.

Qoyska oo markii hore nolol iyo geeri ku la’aa Axmed Qeys, ayaa waxa ay maamulka Isbitaalka ka heleen muuqaal iyo sawirro laga qaaday Axmed Qeys mudada uu ku jiray koomada ee uu soo gaaray dhaawaca cuslaa, waxaana cadeymahaasi lagu qanciyay qoyska Marxuumka.

Qoyska Marxuumka ayaa ku qancay cadeymaha Marxuumka, waxa ayna garwaaqsadeen in wiilkooda maalmaha la la’aa uu ku geeriyooday Qaraxii ka dhex dhacay Degmada Wadajir.

Fannaan Axmed Qeys, ayaa xiliga Qaraxa ku sugnaa meel aan ka fogeyn goobta uu yiilay Gaariga Caasiga ah ee ku dhex Qarxay Degmada.

Geesta kale, Fannaanka ayaa inta badan ka heesi jiray munaasabadaha ka dhaca magaalada Muqdisho.