Faqrinnimo xurriyad wadata ayaan ka jecelahay hanti laygu addoonsado

Madaxweyne Axmad Sekou Toure oo ka mid ahaa Hogaamiyeyaashii ugu horreeyay Afrika ee diiday isticmaarka iyo gumeystayaashii reer yurub gaar ahaan Faransiiska oo dalkiisa gumeystay ayaa sannadkii 1957-kii waxaa dhacday markii aftida loo qaaday dalalka uu gumeysan jiray.. ayaa Reer Guinea Conakry waxaa ay diideen gumeysigii waxayna xorriyadoodii qaateen Bishii Oktober 2-deedii Sanadkii 1958-kii.

Hadaba Faransiisku muxuu sameeyay markaas? Wax alla wixii dalka yiilay oo qalab ahaa waa laga qaatay xataa Nalalki jidadkaa surnaa waa la siibay si nolosha loogu dhibo dowladda cusub.

Markii xaalku sidaas noqdey ayaa Madaxweyne Axmad Sekou Toure waxa uu yiri hadal taariikhda galey oo ahaa: Faqrinnimo xurriyad wadata ayaan ka jecelahay hanti laygu addoonsado!!!

Dhacdadaa waxaan usoo qaatey waqtigaas oo haatan konton sannadood ka badan laga joogo weli khaarada afrika madaxda hogaamisa inyar mooyee intooda badan si dadban ayaa reer galbeedku ugu taliyaa iyagoo la aaminsiiyey in ay marnaba ka maarmin kaalmada ay siiyeen dalalkii gumeysan jirey iyadoo marka aanu eegno Soomaaliya fara gelinta shisheeyaha gaar ahaan kuwa galbeedka ay aad u xoogeysatay waxii ka dambeeyey bur burkii dawladii soomaaliyeed iyo sannadkii 1991-kii waxaana ummadda si cad ugu muuqatay in madaxda soomaalida had iyo jeer ay ka amar qaataan ajnabiga gaar ahaan kuwa reer galbeedka, qaar ka mid ah dalalka Carabta iyo kuwa deriska ee Kenya iyo Itoobiya.

Ummadda Soomaaliyeed maalinta waxaa usoo baxey hogaamiyeyaal geesiyiin ah oo hal adag, diida oo maya yiraahda fara gelinta ay inagu hayaan shisheeyaha gaar ahaan kuwa beesha caalamka loogu yeero ee fadhiya xarunta “Xalane” kuwaas oo danaha kala duwan leh isuguna habar wacday sidii ay u boobi lahaayeen kheyraadka dalkeena hooyo.
Waxaan Leeyahey Xildhibaan Omar Abdirashid, Madaxda Maamul Gobaleedada somalia iyo Xildhibaanada ka soo horjeeda Go,aanka Dowlada somalia ay Qaadatey: Walaalayaal Soomaali Dan ugama xirna reer ala sacuud iyo reer alnahyaan iyo Tuuga siisi la yiraahdo ee Egypt maamula ,Waxaan ku Dhiman doonaa Go,aankayaga Intaan kuwii 27 sano na dhibaateeyey dabo rucleen laheen.

By: Deeq Ali Hayaan(Norway Moss) 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII