Farmaajo iyo Kheyre : Ma ku dhici doonaan qaladka xildhibaan iyo wasiir?

Charles Montesquieu wuxuu ahaa Filosoof, mufakar arimaha siyaasadda (Political theorist) iyo qoraa noolaa (1689-1755). Sanadkii 1748 wuxuu qoray buug cinwaakiisu ahaa: De l’esprit des lois (Af Francis) oo micnaheedu yahey af-ingriska (The spirit of Law) ama af-Soomaali (ruuxa sharciga) ama (dulucda xeerka). Wuxuu ku saabsanaa qeybinta awoodaha dowladda, wuxuuna soo jeediyey in si looga hortago in awoodu gacmaha hal qof ama koox yar ku soo uruurto iyo si ku xad-gudub awooda looga hortago, in saddex awood oo isu dheeli tiran la sameeyo. Kuwaas oo ah awooda xeer dejinta oo ah gole dadku soo doortey, awooda fulinta oo ah xukuumadda iyo awoodda garsoor madax banaan oo ka kooban garyaaqaano loo carbiyey aqoonta dastuurka iyo shuruucda dalka (Trias Politica).

Saddexda awood waa is-ilaalinayaan waana isu dheeli tiran yihiin (Checks and balances). Taas ayaa damaanad u noqon karta ka hortaga ku takri falka awooda sidii ka dhici jirtey France markuu xukumey Luis VI. Oo awoodu hal qof kaliya gacmihiisa ku jirtey.
Madaxweyne Mohamed Abdullahi Farmaggio oo loo doortey February 08, 2017 madaxweeynaha Somalia ayaa u magacaabey 20kii February 2017 Xassan Cali Kheyre wasiirka koowaad. Wasiirka koowaad ayaa waxaa horyaal xulista xubnaha ka mid noqonaya golaha fulinta xukuumadiisa oo ah wasiiro, wasiir xigeeno iyo wasiir dowlo. Waxaa soo yeeraya guux badan iyo suxul duub xubnaha labada gole ee shacabka iyo aqal sare oo doonaya in eey ka mid noqdaan golaha fulinta (Wasiir) iyaga oo raba in eeysan lumin xubin nimadii golaha shacabka ama aqalka sare. Arintaas waxey keeni kartaa 3 xaaladood oo kala ah:

Tan koowaad waa xasilooni la’aan soo fool saarta xukuumadda, sababta oo ah xukuumaddu 329 xildhibaan iyo senator ma wada qaadan karto. Haddii eey koox ka mid ah qaadato oo kooxdaas helaan dakhli ka badan kan xildhibaanka/Senator ka iyo awood fulin, inta kale ayaa arintaas ka xumaanaya, waxeyna keeni kartaa in kuwa aan la qaadan eey si joogta ah u carqaladeeyaan shaqadda xukuumadda. Waxey ka keenayaan xukuumadda motion joogta si xukuumadda loo rido oo ey u helaan wasiir koowaad oo iyaga ku soo dari kara golaha fulinta.

Tan labaad waxey dib ku noqoneeysaa shaqadii golaha sharci dejinta oo aheyd is-ilaalin iyo la xisaabatankii xukuumadda (Oversight function), ileen wasiiro xukuumadda ka mid ah ayaa xibin ka ah golayaashii sharci dejinta oo waa adkaaneeysaa in uu wasiirku naftiisa ilaaliyo ama isla xisaabtamo. Taas ayaa noqoneeysa dano is-ka hor-imaanaya ama is hardinaya (Conflict of intrest) waxaana Meesha ka baxaya dheeli-tirkii awooda dowladda, is-ilaalintii iyo xisaabtankii.

Tan saddexaad waxey khal-khal galineeysaa baahinta shaqada iyo awood qeybsiga beelaha. Anagoo og in dalka ciriiri shaqo ka jirto oo eey tahey in xukuumado abuurto fursado shaqo si lo maareyo baahidda loo qabo shaqo ayaa haddii xubnaha golaha fulinta laga soo qaato golaha shacabka waxaa Meesha ka baxaya shaqo u abuurmi laheyd dadka aqoonta iyo kartida leh oo u adegi lahaa dadka. Waxey kaloo wax yeeleeysaa awood qeeybsiga beelaha. Haddii jilib ka mid ah beel uu helo xildhibaan oo kuwii kale qatan yihiin, waxaa haboon in xubinta golaha fulinta laga soo xulo kuwa aan helin xildhibaanka oo taasna waxey kor u qaadi kartaa kalsoonida beelaha ku qabaan xukuumadda.

Gunaanad iyo talo

Waxaan kula talin lahaa Madaxweeyne Mohamed Abdullahi farmaggio iyo Prime Minister Hassan Ali Kheyre in arintaan aad uga taxadaraan oo aan golaha xukuumadda lagu soo darin xubnaha golaha shacabka iyo aqalka sare. Xubanha golaha shacabka iyo aqalka sare waxaa u taal howl aad u culus oo ah sharci dejin iyo la xisaabtanka xukuumadda. Shaqooyinkaas ayaa ah kuwa aad u baaxad weyn oo u baahan wakhti badan iyo fir-fircooni. Taas haku mashquuleen oo haka soo dhalaaleen, hana joojiyaan fikirka ah anaa wax-walba raba iyo anaa wax-walba igu fiican yihiin. Naf jacleeysigaas (egoism and selfishness) waa in madaxweeynaha iyo wasiirka koowaad ka hor yimaadaan oo ka diidaan xubnaha isla raba wax walba. Haddii laga maarmi waayo xubin ka mid ah labada gole ee sharci dejinta in loo magacaabo xubin golaha fulinta, waxaan soo jeedinayaa in xubintaas shardi looga dhigo in uu iska casilo xildhinaanimadda ama senator nimadda oo beeshuu ka soo jeedey ey u soo magacowdo meeshu baneeyey xubin kale.

W/Q: Abdulhakim Ahmed Hashi
Hashi03@msn.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid