Farmaajo iyo Kheyre maka bad baadi doonaan halista ay maleegayaan xildhibaanada mucaaradka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya isku uruursanaaya Xildhibaanada Mucaaradka ee dhawaan ku dhawaaqay Madasha Horusocod.

Xildhibaanadaani ayaa u badan kuwa codka siiyay Madaxweyne Farmaajo 8 Feb, 2017 xiligaa oo uu ka guuleystay Madaxweynihii hore ee Somalia Md Xasan Sheekh Maxamuud.

Xildhibaanada mucaaradka Horusocod ayaa weli shirar joogta ah ku leh magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, shirarkaasi oo lagu dajinaayo qorshooyin hor leh oo looga soo horjeedo dowlada Madxaweyne Farmaajo ee uu Ra’isul wasaaraha ka yahay Xasan Kheyre.

Xildhibaanadaani oo horay u sheegay Mowqifkooda Siyaasadeed ayaa u muuqanaayo kuwo haliso qarsoon u maleegaya dowlada cudunka ah ee iminka dhameysatay 100ka maalin.

Xildhibaanada oo danaha Qaranka ka hormariyay kuwoo Siyaasadeed ayaa waxaa ku jira kuwo dhowr ah oo ballan ka bax kala kulmay Madxaweyne Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Kheyre kadib markii shaqsiyaad ku heeb ah lagu buuxiyay kuraastii horay loogu ballanqaaday.

Waxyaabaha ka dhex guuxaaya maskaxda Madaxda Qaranka iyo shacabka ayaa ah in Xildhibaanada mucaaradka Madasha Horusocod ku kacaan talaabooyin qalqal amni galinkara dalka, iyagoo doorbidi doona inay ka weecdaan kalsoonidii ay ka heysteen shacabka.

MAXAA KA DHALANKARA KACDOONKA XILDHIBAANADA EE XUKUUMADA?

1-Xildhibaanada mucaaradka ayaa u hanqal taagaya inay qaadan talaabo lagu ridaayo Xukuumada Somalia ee uu iminka hogaamiyo Ra’isul wasaare Kheyre, iyadoo loo daliishanaayo itaal dari ka heysata dhanka hogaanka dalka, walow aanu taa daliil u noqon karin xaqiiqda taagan.

2-In Xildhibaanada mucaaradka ay isku dayaan inay iska horgeeyan Madaxda Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed oo iminka la orankaro waxa ka dhexeeya xiriir bilow ah.

3-In Xukuumada loo daliishado qodobo lagu dhex qoray qol mugdi ah, sida inay shaqo gantay, inay ka gaabisay ballanqaadkii iyo inay ku guul dareysatay wax ka qabashada amni darida ka jirta dalka.

4-In banaanka lasoo dhigo daldaloolada Xukuumada oo aysan arag dadka shacabka.

SAAMEYNTA UU FARMAAJO KU YEELAN KARO KACDOONKA XILDHIBAANADA MUCAARADKA

Dhagaraha muuqda iyo kuwa qarsoon oo ay maleegayaan Xildhibaanada mucaaradka ee ku sugan magaalada Nairobi ayaa saameyn muuqda ku yeelan kara Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo.

Saameynta ay dhagarahaasi ku yeelankarto Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa kamid ah:

1-In loo abuuro kacdoono iyo mucaarado dhanka Siyaasada iyo shacabka ah.

2-In Xildhibaanada ay qaabab kale u dhigaan Siyaasada cusub ee uu adeegsanaayo Madaxweynaha dalka.

3- In la baahiyo dhaliilo lagu muujinaayo in dowlada Farmaajo ay wax badan ka liidato dowladihii hore.

4-In shacabka laga jihooyo wanaaga ay u hayaan dowlada cusub, iyadoo loo jiheynaayo mid lid ku ah wanaaga ay iminka qabaan.

MAXAA LA GUDBOON FARMAAJO IYO KHEYRE

Madaxweynaha dalka iyo Ra’isul wasaare Xasan Kheyre oo iminka cagta dhigay dhabihii guusha ayaa waxaa la gudboon inay xal iyo waan-waan ku raadiyaan qaboojinta kacdoonka Siyaasadeed oo ay wadaan Xildhibaanada mucaaradka ee Madasha Horusocod.

1-In howlaha xalinta ay uga danbeeyan Nabadoonada soo saaray Xildhibaanada ee ku heebta ah.

2-In la sameeyo qorsho fog iyo mid dhow oo looga hortagi karo kacdoono hor leh oo ka imaada dhanka Xildhibaanada.

3-In dowlada 100 jirsatay ay ku xirnaato Nabadoonada iyo Odayaasha kale ee soo xulay Xildhibaanada si ay dhex dhexaad ugu noqdaan labada dhinac, sida looga bartay dowladihii hore.

4-In kacdoon waliba ay ka hortagto ka hor inta uusan gaarin shacabka isla markaana arrinku noqon mid dhabaqsama.
GABAGABO

Waxaa iminka soo ifbaxaaya warar sheegaya inuu socdo wadahadal lagu qaboojinaayo Kacdoonka ay wadaan Xildhibaanada mucaaradka, waxaana xalintaani garwadeen ka ah Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusman Jawaari iyo mas’uuliyiin kale oo ay wakiisheen Farmaajo iyo Kheyre.

W/Q: Cabdiraxiim Axmed Jimcaale

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET