Farmaajo iyo Kheyre: Xiddid siyaasadeed iyo xal ummadeed

Cidna daah kama saarno siddaan filayo ujeeddka koowaad ee aan ka leeyahay faaladdan, balse waxaan doonnayaa inaan waxbaddan bidhaamiyo qaabka siyaasaddeed ee ay ku shaqayn karto dowladda cusub ee xukuumaddeedda xiddidka lagu soo dhisay, sida ay qabbaan dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda.

Ma dhaleecaynayo in qof xiddid ah xil loo dhiibo, sidoo kale ma maagani shaqsiyadda Khayre iyo xitaa Maddaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilahi Farmaajo, balse waxaan kaliya suurayn doonnaa sida ay wax u dhici karaan marka xukuumadda cusub la soo dhiso, islamarkaanna ugu yaraan uu khilaaf soo dhex galo labadda shaqsi.

Mar waliba Soomaalidda waxay aad uga sheegataa wax isla qaybsigga xiddid ka uu ku ladhan yahay, sidoo kale waxay cambaaraysaa siyaasadda ku dheehan nin jeclaysi, hasa yeeshee waxaan qabaa in Kheyre uu ahaa qofkii ugu mudnaa ee loo dhiibi lahaa marka la fiiriyo siyaasaddiisa dagan, iyo kartiddii khibradda ay ku lammaan tahay.

Farmaajo xaq ayuu u leeyahay inuu xilal usoo magacaabo xaaskiisa, caruurtiisa, ina adeeraddiisa iyo cid waliba uu doonnayo, maxaa yeelay hal baal kagama qorna Dastuurka Kumeel in maddax waynaha uusan xil usoo magacaabi Karin xiddidkiisa iyo xigtaddiisa ba, sidaa darteedda magacaabiddii Kheyre waxay ahayd wax iska caadi ah, sidoo kale waxay ahayd caqli gal ah, si lamid ah waxay ahayd wax xaq ah, maxaa yeelay waxaa uu ka dhashay reer Soomaaliyeed, kuwaas oo u qalma inay waddanka wax ka noqddaan.

Balse dooddaydda ugu wayn waxay tahay side buu noqon karaa xaalka umadda haddii Farmaajo iyo Kheyre maraan waddaddii ay mareen maddaxdii ka horeysay ee ah in dood ay imaato. Isku dhaco, ay sheekadu gaarto Mowshin iyo kala bixin Xildhibaan.

Marka ay sheekadu halkaas gaarto ilahay nama dhigee dharaar nuucaas oo kale, marka hore dadka naqdiya siyaasadda dowladda cusub waxay aaminsan yihiin in nacay iyo kala qaybsannaan ay ka dhex bilaawannayso Maddax waynaha iyo caruurtiisa abtiyaashoodda, maadaama ay ra’iisuul wasaaraha iyo xaaskiisa ay isku hayb yihiin saan lawadda socono.

Farmaajo waa ay ku adkaan doontaa inuu yimaaddo qilaaf labadda dhinnac ah, maadaama xiddid ay yihiin, sida ay dadka qaar haddalka u dhigaan, waxaa qasab ku ah labadda dhinnac inay iska iloowaan xaqoodda xiddid ee ay diiradda saaraan xalka umadda Soomaaliyeed, oo ka rajaynaysa dowladdan cusub wax wanaagsan kana duwan wixii looga bartay dowladihii hore.

Xiddid siyaasaddeed waa wax iska caadi ah, hubanti in Farmaajo uusan xiddid ahaan Khayre xilka ugu dhiibin, kaliya waxaa uu u eegay xalka Soomaalidda iyo xagalka uu jiro iyo sida dib loogu heli karo Soomaali dib isku qabsata oo meel sare iyo maqaam macquul ah dunnidda ka istaagta.

Xalka umadda waxaa uu ku jiraa qof waliba oo ay ku jirto dhiig damqashayd iyo damiir waddaniyeed ayna u dheer tahay daran tolmoon oo uu ka haysto dadka dhibtoonnaya ee 26 kii sano dagaaladda ku jiray.

W/Qoray: Cabdi Wahaab Axmed Cali

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com