M/weyne Farmaajo oo fariin culus u diray Somaliland hadal culusna kula hadlay

Muqdisho (Caasimada Online)–  Madaxweynaha dowladda federaalka Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa shacabka iyo maamulka Somaliland u diray fariin xambaarsan walaalnimo iyo isjaceyl, isagoona ka codsaday in ay tixgeliyaan midnimada iyo wadajirka ummada Soomaaliyeed.

Farmaajo oo xalay khudbad ka jeedinayay munaasabada xuska 26-ka June ayaa wuxuu ka codsaday shacabka iyo maamulka Somaliland in ay ka shaqeeyaan wadajirka iyo midnimada Soomaaliyeed maadaama laga soo maray dhibaato badan, dheel dheelna aysan ku imaan.

“Isma huri karno hilba wada dhashiyo heyb qura ayaa nahay” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo oo sheegay in wada dhalashada ay tahay wax aan la iska heli karin.

Fariintaan uu madaxweynaha u diray Somaliland ayaa suuragal ah in ay si caro leh ugu jawaabaan madaxda Somaliland oo diidan wada jirka iyo midnimadii la qaatay 1960-kii.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com