Sawirro: Madaxweyne Farmaajo oo shir caalami ah ka furay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa saakay furay shirka heerka salami ee gurmadka abaaraha, kaasoo ay kazoo qeybgaleen madaxda maamulada dalka, gobolka banaadir iyo wakiilada beesha caalamka ee ka howlgala Somalia.

Shirkaan ayaa waxaa guddoominayo madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo oo isugu yeeray in laga soo qeybgalo.

Inta uu socdo ayyaa waxaa la isku dhaafsan doono in  wadajir ah loogu howlgalo wax ka qabashada abaaraha ku dhuftay dalka, waxaana laga soo saari doonaa war murtiyeed qeexaya u gurmashada dadka dhibaateysan.