Farmaajo oo gobolka Banaadir u ogolaaday shirarkii uu ka horistaagi jiray Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa goor dhow waxa uu magaalada Muqdisho ka furay shir heer sare ah oo looga hadlayo abaaraha dalka ka jira.

Shirkan uu furay madaxweyne Farmaajo waxaa ka qeybgalaya Madaxda maamul goboleedyada dalka, guddiga abaaraha, qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka iyo sidoo kale beesha caalamka.

Hase yeeshee arrinta muhiimka ah ayaa ah in markii ugu horreysay shirkan uu ka qeyb-galayo maamulka gobolka Banaadir, oo horey shirarka caalamiga ah uu uga horistaagay madaxweyne Xasan Sheekh.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale Booraasni ayaa shirka dhinaca fadhiya madaxda kale ee maamul goboleedyada, waana markii ugu horreysay ee arrintan ay dhacdo.

Madax maamul goboleedyada oo aaminsan in gobolka Banaadir uusan xuquuq lahayn, ayaa Xasan Sheekh ku cadaadi jiray inaanu soo fariisin maamulka gobolka Banaadir shirarka.

Lama oga in madaxweyne Farmaajo uu arrintan u sameeyey maadaama shirkan uusan ahayn mid siyaasadeed, hase yeeshee waa tallaabo wanaagsan oo madaxweynaha uu qaaday.

Dhinaca kale, Inta uu shirkaan socdo ayaa laga yaabaa in beesha caalamka ay lacago ugu yaboohaan abaaraha dalka ka jira, iyadoo ulajeedku uu yahay in degdeg wax looga qabto xaaladda abaarta ee Soomaaliya.

Shirkan ayaa noqonaya midkii ugu weynaa ee u gaar ah arrimaha abaaraha, xilli gobollo badan oo dalka ah ay ka jirto abaar saameysay dadka iyo duunyada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com